| Somali
CAALAMKA
2 daqiiqo akhris
Midowga Afrika oo cambaareeyay weerarrada RSF ee Koonfurta Kordofan, kuna baaqay xabbad-joojin
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Suudaan ayaa Jimcihii ku eedeysay ciidamada RSF inay Kalogi ku dileen ugu yaraan 79 qof oo rayid ah, oo ay ku jiraan 43 carruur ah, halka ilo deegaanka ahi ay sheegeen in dhimashadu ay kor u dhaaftay 100.
Midowga Afrika oo cambaareeyay weerarrada RSF ee Koonfurta Kordofan, kuna baaqay xabbad-joojin
Midowga Afrika oo cambaareeyay weerarrada RSF ee Koonfurta Kordofan, kuna baaqay xabbad-joojin. /Sawirka: Reuters / Reuters
8 Diseembar 2025

Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Maxamuud Cali Yuusuf, ayaa si kulul u cambaareeyay dilka in ka badan 100 qof oo rayid ah, oo ay ku jiraan carruur, kaas oo ka dhacay deegaanka Kalogi ee Koonfurta Kordofan, isaga oo ku baaqay xabbad-joojin degdeg ah.

“Bartilmaameedsiga carruurta, macallimiinta, shaqaalaha caafimaadka iyo shacabka gurmadka samaynaya, sida ay wararku sheegayaan, waa jabin cad oo lagu sameeyay sharciga caalamiga ah ee bani’aadannimada iyo xuquuqda aadanaha,” ayuu Midowga Afrika ku sheegay bayaan uu soo saaray.

Bayaanka ayaa lagu sheegay in guddoomiyuhu uu “ka argagaxay” weerarrada sii kordhaya ee lagu hayo shacabka, isagoo walaac ka muujiyay duqaymaha cirka, drone-yada, iyo weerarrada ka dhanka ah isbitaallada iyo iskuullada.

Yuusuf wuxuu ugu baaqay dhammaan dhinacyada inay si degdeg ah oo shuruud la’aan ah u aqbalaan xabbad-joojin, lana ilaaliyo dadka rayidka ah, gaar ahaan carruurta, haweenka, iyo dadka waayeelka ah, isla markaana loo fududeeyo gargaarka bani’aadannimo ee degdegga ah.

Wuxuu adkeeyay baahida loo qabo helidda caddaalad, isagoo ugu baaqay in la sameeyo baaritaan madax-bannaan si loo hubiyo in kuwii ka dambeeyay weerarradan “arxan-darrada ah” la horgeeyo cadaaladda.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Suudaan ayaa Jimcihii ku eedeysay ciidamada RSF inay Kalogi ku dileen ugu yaraan 79 qof oo rayid ah, oo ay ku jiraan 43 carruur ah, halka ilo deegaanka ahi ay sheegeen in dhimashadu ay kor u dhaaftay 100.

Wasaaraddu waxay sheegtay in maleeshiyadu ay beegsatay goob xannaanada carruurta ah oo ay ku garaaceen gantaallo ay sidday diyaarad drone ah “si loo dilo carruur badan,” ka dibna mar kale ay duqeeyeen markii dadka deegaanka ay u gurmadeen, ayna beegsadeen dhaawacyada iyo shaqaalaha caafimaadka ee isbitaalka deegaanka.

Saddexda gobol ee Kordofan – Waqooyi, Galbeed, iyo Koonfurta – ayaa toddobaadyadii u dambeeyay uu ka socday dagaal culus oo u dhexeeya ciidanka Suudaan iyo maleeshiyada RSF, taas oo sababtay in tobannaan kun oo qof ay ka barakacaan.

RSF ayaa gacanta ku haysa dhammaan shanta gobol ee gobolka Darfur marka laga reebo qaybo ka mid ah Waqooyiga Darfur oo ay ciidanku weli maamulaan. Dhanka kale, ciidamada dowladda ayaa maamula inta badan 13-ka gobol ee soo haray ee Koonfurta, Waqooyiga, Bari, iyo Bartamaha, oo ay ku jirto caasimadda Khartoum.

Dagaalka u dhexeeya ciidanka Suudaan iyo RSF, oo billowday Abriil 2023, ayaa lagu dilay kumannaan qof, halka lagu barakiciyay malaayiin kale.

XIGASHO:AA