| Somali
TURKIGA
2 daqiiqo akhris
Turkiga wuxuu sii wadi doonaa sheegidda xaqiiqda waxa ka socda Qaza: Erdogan
Ankara waxay si adag u garab taagan tahay shacabka Falastiin, mana ka leexanayso go’aankeeda ah in la xaqiijiyo in caddaaladdu hirgasho, ayuu yiri Madaxweynaha Turkiga.
Turkiga wuxuu sii wadi doonaa sheegidda xaqiiqda waxa ka socda Qaza: Erdogan
Madaxweyne Erdogan oo ka qaybgalay xafladda abaalmarinnada madaxweynaha ee dhaqanka iyo fanka ee Ankara. / AA
19 Diseembar 2025

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa adkeeyay go'aanka adag ee dalkiisa ee ku aaddan sheegidda xaqiiqda waxa ka socda Qaza iyo in la hubiyo in "cadaaladdu hirgasho."

"Turkigu wuxuu si go'aan leh uga sii wadi doonaa dadaalka dhinac kasta si loo hubiyo in waxa ka dhacaya Qaza aan la iloobin isla markaana cadaaladda la hirgaliyo," ayuu Erdogan ka sheegay khudbo uu Khamiistii ka jeedinayay munaasabad abaalmarinno dhaqameed iyo farshaxan oo ka dhacday caasimadda Ankara.

"Sida dal iyo dawlad u heelan sheegidda runta," ayuu intaa ku daray, Turkigu si adag ayuu u garab taagan yahay shacabka Falastiin, "aan mawqifkiisana ha leexaneyn."

Warbaahinta 'Geesinimada leh'

Madaxweyne Erdogan ayaa sidoo kale bogaadiyay warbaahinta Turkiga, isagoo ku ammaanay mowqifkooda “geesinimada leh” ee ay ku soo tabinayaan xaqiiqada ka jirta Qaza.

“Marka loo eego xasuuqa Qaza, warbaahinta Turkiga, gaar ahaan TRT iyo Anadolu, waxay qaateen mowqif dhab ah oo geesinimo leh,” ayuu yiri Madaxweynaha Turkiga.

Isagoo ammaan gaar ah u jeediyay sawirqaadaha Anadolu Ali Jadallah, Erdogan wuxuu sheegay: “Waxa uu kamaraddiisa ku soo bandhigay ma aha oo kaliya baaxadda argagaxa leh ee xasuuqa Qaza, balse sidoo kale wuxuu dunida u muujiyay iska caabbinta xaqa ah ee shacabka Falastiin.”

“Walaalkeen Ali, oo fashiliyay xasuuqa arxan darrada ah ee Qaza kana hortagey xaqiiqada waxa loogu yeero dunida ilbaxa ah, wuxuu sawirqaade ahaan ugu shaqeeyaa wakaaladda Anadolu,” ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay.

XIGASHO:AA
Raadi Warar Kale
Turkiga oo cambaareeyay weerar dhimasho sababay oo RSF ku qaadeen dad barakacayaal ah dalka Suudaan
Erdogan: Dhulgariirradii Turkiga ka dhacay 2023-kii ayaa sababay khasaare gaaraya $250 bilyan
Erdogan oo xusay sannad-guurada dhulgariirka sheegayna in Turkigu fuliyey ballanqaadkii dib-u-dhiska
Sida gaari cas oo ka yimid Azerbaijan uu u noqday astaanta midnimada Turkida ee dhulgariirkii 2023
Turkiga oo kordhiyay taageerada militari ee cirka iyo dhulka ee Soomaaliya ee dagaalka argagixisada
MW Erdogan oo dhiggiisa Masar Sisi hadyad ahaan u siiyay gaariga korontada ee Turkiga ee Togg
MW Erdogan iyo Amiir Bin Salmaan oo mar kale xaqiijiyay taageerada midnimada Soomaaliya
Turkiga oo ballanqaaday taageero dheeri ah oo uu la garab taagan yahay Suudaan
Shan qodob oo ka soo baxay safarkii MW Erdogan ee Boqortooyada Sacuudiga
Madaxweynaha Turkiga Erdogan oo Riyadh kula kulmay Dhaxal-sugaha Sacuudiga Mohammed bin Salman
Madaxweynaha Turkiga Erdogan oo todobaadkan booqasho ku tagaya Sacuudiga iyo Masar
Bariga Dhexe wuxuu u baahan yahay heshiis dhanka amniga ah oo loo dhan yahay: Wasiir Fidan
Ankara: Diblomaasiga ugu sarreeya Iran oo Turkiga u tegaya wadahadallo maalinta Jimcaha
Iskaashiga dhinaca badaha ee u dhexeeya Turkiga iyo Soomaaliya oo sii xoogeysanaya
Turkiga oo ka taageeray Nigeria dadaallada la dagaallanka argagixisada: Erdogan
Fidan iyo wafdi ka socda Xamaas, oo ka wada hadlay nabadaynta Qaza iyo xaaladda bini'aadannimo
Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre oo qaabilay wafdi ka socda Dowladda Turkiga: Muqdisho
Turkiga oo gargaar bani’aadamnimo u diray Suuriya xilli ay weerarro ka wadaan YPG
Madaxweynaha Nigeria Tinubu oo booqasho ku tagaya Turkiga si loo xoojiyo xiriirka laba geesoodka ah
Joogitaanka Ciidamada Badda Turkiga ee Gacanka Cadmeed oo loo kordhiyay hal sano oo kale