Ciidanka Suudaan ayaa iska caabiyay weerar ballaaran oo ay ku soo qaadeen maleeshiyada RSF iyo xulafadooda SPLM-N, kaas oo ka dhacay magaalada Al-Kuweik ee gobolka Koonfurta Kordofaan, sida ay Arbacadii sheegeen ilo-wareedyo militari.
Ilo-wareedyada oo la hadlay Anadolu ayaa sheegay in cutubyada ciidanku ay la kulmeen weerarka subaxnimadii hore, iyagoo gaarsiiyay khasaare naf iyo mid qalab ah, kuna qasbay ciidamada weerarka soo qaaday inay dib u gurtaan. Waxay intaas ku dareen in ciidamada dowladda ay gacanta ku dhigeen gaadiid gaashaaman iyo kuwo dagaal intii ay socdeen iska horimaadyada.
Ma jirin faahfaahin degdeg ah oo ka soo baxay RSF ama SPLM-N oo ku aaddan warbixintaas.
Muuqaallo ay ciidanku ku baahiyeen baraha bulshada ayaa muujinayay dabaaldeg ay dhigeen kadib markii la fashiliyey weerarka.
Toddobaadyadii la soo dhaafay, saddexda gobol ee Kordofaan ee Suudaan – Waqooyi, Galbeed iyo Koonfur – ayaa waxaa ka dhacay iska horimaadyo culus oo u dhexeeya ciidanka dawladda iyo RSF, kuwaas oo sababay barakaca tobannaan kun oo rayid ah.
18-ka gobol ee Suudaan, RSF ayaa gacanta ku haysa dhammaan shanta gobol ee Darfuur ee galbeedka dalka, marka laga reebo qaybo ka mid ah Waqooyiga Darfuur oo weli ay maamusho dawladdu. Dhanka kale, ciidanka dawladda ayaa gacanta ku haya inta badan gobollada kale ee 13-ka ah ee ku yaalla koonfurta, waqooyiga, bariga iyo bartamaha dalka, oo ay ku jirto caasimadda Khartuum.
Iskahorimaadka u dhexeeya ciidanka Suudaan iyo RSF, oo billowday bishii Abriil 2023, ayaa tan iyo xilligaas sababay dhimashada kumannaan qof iyo barakaca malaayiin kale.


















