| Somali
CAALAMKA
2 daqiiqo akhris
MW Xasan Sheekh oo soo xiray Shirweynihii 1-aad ee Caddaaladda Soomaaliya
Shirka ayaa iftiimiyay dadaallada loo sameynayo daadejinta adeegga caddaaladda, guulaha la gaaray, caqabadaha weli jira, iyo muhiimadda guud ee ilaalinta sarreynta sharciga.
MW Xasan Sheekh oo soo xiray Shirweynihii 1-aad ee Caddaaladda Soomaaliya
MW Xasan Sheekh oo soo xiray Shirweynihii 1-aad ee Bahda Caddaaladda Soomaaliya / Villa Somalia - Meta
24 Nofeembar 2025

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa si rasmi ah u soo xiray Shirkii Koowaad ee bahda Caddaaladda Soomaaliya, halkaas oo lagu soo bandhigay qorshayaal qaran oo ku saleysan istaraatiijiyadda dib-u-habaynta garsoorka dalka.

Shirka ayaa iftiimiyay dadaallada loo sameynayo daadejinta adeegga caddaaladda, guulaha la gaaray, caqabadaha weli jira, iyo muhiimadda guud ee ilaalinta sarreynta sharciga.

Madaxweyne Xasan ayaa sheegay in garsoor madax-bannaan oo hufan uu muhiim u yahay dhisidda dawladnimada, amniga iyo kalsoonida shacabka, isagoo tilmaamay in dowladda federaalka ay qaadday tallaabooyin muuqda oo lagu dhisayo hay’adaha garsoorka heer federaal iyo heer dowlad-goboleed.

“Garsoorkeenna inuu hormarsan yahay waxaan tusaale muuqda u ah in muwaadiin Soomaaliyeed oo fal dambiyeed lagu eedeeyey oo dalka ka baxsaday ay dowladda FederaalkaSoomaaliya ay ku guuleysto in dalka dibaddiisa ka soo qabato, iyada oo kaashanayso booliska Caalamiga ah ee Interpol, kiis dacwadeedkiisana uu ka furan yahay dowlad goboleedkii uu fal dambiyeedka uu ka dhacay,” ayuu yiri.

Madaxweyne Xasan ayaa sidoo kale sheegay in dhammeystirka dastuurka uu muhiim u yahay xasilloonida siyaasadeed iyo habsami u socodka nidaamka federaalka, wuxuuna dowladda faray inay dedejiso howlaha horumarinta adeegyada caddaaladda.

Isagoo ka hadlay doorashada qof iyo cod ah ee soo socota, Madaxweyne Xasan wuxuu adkeeyay in hay’ado sharci iyo garsoor oo xoog leh ay yihiin lama huraan si loo ilaaliyo xuquuqda muwaadiniinta iyo hufnaanta habka doorashada.