Madaxweynaha Turkiga ayaa khadka taleefanka kula hadlay Ra’iisul Wasaaraha Liibiya, isaga oo u diray tacsi ku aaddan shilkii diyaaradeed ee ka dhacay Turkiga kaas oo uu ku dhintay Taliyaha Ciidanka Liibiya, sida uu sheegay Agaasimaha Isgaarsiinta Turkiga Burhanettin Duran.
Intii uu wada hadalka khadka telefonka ah kul jiray Cabdulxamiid Dbeibah, Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa “muujiyay murugo iyo tacsi ku aaddan khasaaraha nafeed ee ka dhashay shilka diyaaradeed ee siday Taliyaha Guud ee Ciidanka Liibiya, Jeneraal Maxamed Cali Al-Haddaad, iyo dadkii kale ee la socday,” ayuu yiri Duran.
Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Turkiga Ali Yerlikaya ayaa hore u sheegay in burburka diyaaraddii ganacsiga ee nooca Falcon 50, oo Talaadadii ka duushay garoonka Esenboğa ee Ankara una socotay Tripoli, ay kooxaha gurmadku ka heleen goob qiyaastii 2 kiiloomitir koonfur ka xigta Kesikkavak oo ka tirsan degmada Haymana ee Ankara.
Sanduuqa madow ee diyaaradda iyo qalabka duubista codka ee qolka duuliyaha ayaa la soo helay subaxnimadii Arbacada, sida uu sheegay Yerlikaya.
Hannaanka baarista qalabkaas si loo go’aamiyo sababta shilka ayaa la bilaabay, ayuu intaas ku daray.
Ka dib geeridii, Xukuumadda Midnimada Qaranka ee Liibiya ayaa ku dhawaaqday saddex maalmood oo baroordiiq qaran ah.



























