Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur, oo London uga qaybgalay Shirka Guud ee 34-aad ee Ururka Caalamiga ah ee Badaha (IMO), ayaa sheegay in Soomaaliya ay 2026 bilaabi doonto dhismaha deked cusub oo si buuxda ula jaanqaadaysa nidaamka caalamiga ah.
Wasiirku wuxuu sheegay in Dekedda Muqdisho — oo ah tan ugu weyn dalka — hadda loo adeegsado adeegyada gudaha, isla markaana xiriirkeeda nidaamyada transit-ka caalamiga ah uu aad u yar yahay. Nuur ayaa shaaciyey: “Sannadka 2026 waxaan bilaabi doonnaa dhismaha deked cusub oo yeelan doonta nidaam transit goboleed iyo aag ganacsi oo xor ah. Waxay noqon doontaa deked aad u weyn.”
Dhanka kale, Wasiir Nuur wuxuu sheegay in Dekedda Muqdisho ay kaalinta koowaad ka gashay liiska 47-da dekedood ee Afrika, iyadoo qiimeynta lagu sameeyey 407 dekedood oo caalami ah. Wuxuu arrintan ku micneeyay maalgelinta dowladda federaalka ee qalabka dekedda iyo nidaamyada farsamada.
“Bariga Afrika cid nala tartamaysa hadda ma jirto, waxaana qorsheynaynaa inaan ku soo kordhinno nidaamyo cusub si aan u sii horumarino,” ayuu yiri.
Nuur wuxuu sheegay in Dekedda Muqdisho hadda ay ku shaqeyso nidaam 24-saac ah oo joogto ah, taas oo hoos u dhigtay ciriirigii dekedda:
“2020-kii, markabku mararka qaar maalmo ayuu sugi jiray in konteenarrada laga dejiyo. Hadda waxaan muddadaas ku soo gaabinay lix saacadood. Ganacsatada isticmaasha dekedda aad ayey ugu qanacsan yihiin, waxaana yaraaday ciriirigii magaalada Muqdisho.”
Wuxuu intaasi ku daray in nidaamkan cusub uu ilaa 30% kor u qaadi doono dhaqaalaha Soomaaliya.
Wasiirku wuxuu sidoo kale xusay in awoodda dekedda ee konteenarrada (TEU) oo aheyd 150,000 TEU ay qorsheynayaan in la kordhiyo oo la gaarsiiyo ilaa 250,000 TEU, taasoo ay gacan ka geysan doonto maalgelinta ballaaran ee shirkadda Turkiga ee Albayrak Group.
“Sannadkan waxaan gaarnay 180,000 TEU, waxaana rajaynaynaa inaan gaarsiino 250,000 TEU,” ayuu yiri.


















