Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga Hakan Fidan, oo ka qaybgalay shirka wasiirada arrimaha dibadda ee NATO ee Brussels, ayaa sheegay inaysan jirin meel Turkiga kaga habboon wadahadalada nabadda ee u dhexeeya Ruushka iyo Ukraine.
“Tani waxaan ku caddeynay kulamadii aan saddex jeer ka qabanay Istanbul xagaagii hore, annagoo martigelin iyo maaraynba sameynay. Dhinacyadii waxay ka soo gabagabeeyeen kulamada iyadoo mid kasta farxad ka muuqatay,” ayuu ku yiri wareysi uu Arbacadii siiyey TRT Haber iyo Wakaaladda Wararka ee Anadolu.
Ka dib markii uu la hadlayey xubnaha Midowga Yurub iyo NATO, Fidan wuxuu sheegay in wada-hadalladu inta badan diiradda saarayeen dagaalka Ruushka iyo Ukraine, raadinta qaab-dhismeed nabadeed oo suurtagal ah, iyo arrimo goboleed oo ballaaran halkaas oo Turkigu door dhexdhexaad ah ka ciyaaro.
Fidan wuxuu sheegay inuu si taxaddar leh u rajaynayo geeddi-socodka nabadda ee u dhexeya Ruushka iyo Ukraine.
“Waxa ugu muhiimsan waa in miiska wadahadalka laga tegin,” ayuu yiri. “Haddii aad miiska wadahadalka fadhidaan iyadoo ay ujeeddadu tahay isu soo dhaweyn, ugu dambayn heshiis waad gaari doontaan.”
Wuxuu intaas ku daray in dhexdhexaadiyaha Mareykanka Steve Witkoff “uu leeyahay awoodaha lagama maarmaanka ah” si uu uga caawiyo horumarinta wadahadalada.
Fidan wuxuu sheegay in Turkigu aaminsan yahay in Ruushka iyo Ukraine labaduba ay u muujin karaan horusocod.
“Ruushku wuxuu muujinayaa mowqif togan,” ayuu yiri. “Waxaan filayaa in Ukraine dhawaan ay sidoo kale soo bandhigi doonto mowqif togan.”
Fidan wuxuu xoojiyey in heshiis kasta oo la gaaro uu qaabeeyn doono mustaqbalka Yurub, islamarkaana uusan kaliya ku ekaan doonin dhammaadka dagaalka. “Qof walba wuxuu xisaabinayaa khataraha iyo faa’iidada,” ayuu yiri. “Xaalad sidan u adag, waa muhiim in la caddeeyo ujeeddooyinka oo labada dhinac lagu hago inay diiradda saaraan.”
Weerarkii Ka Dhacay Badda Madow
Fidan sidoo kale wuxuu ka hadlay weerarradii dhawaan lagu qaaday markab ganacsi oo marayey meel ku dhow xeebaha Turkiga ee Badda Madow.
Wuxuu sheegay in Turkiga, Romania, iyo Bulgaria ay sameeyeen koox hawleed si loola dagaallamo miinooyinka iyo in la xoojiyo ammaanka badda, ciidamada badda ayaana iska kaashanaya arrintan.
“Weeraradii ugu dambeeyay waxay muujinayaan sida ay u saxnaayeen digniinahayagii,” ayuu yiri. “Juqraafi ahaan dagaalku wuu fidayaa, taasina waa mid aad halis u ah.”
Xiriirka Midowga Yurub
Fidan wuxuu sheegay in xiriirka Turkiga iyo dalalka Midowga Yurub badankood uu si wanaagsan u socdo, balse wuxuu ka digay in dhaqamada Maamulka Qubrusta Giriigga ay weli carqaladeynayaan wada-shaqeynta.
“Qof kasta oo aan la hadlo, waxay ka cabanayaan Maamulka Qubrusta Giriigga,” ayuu yiri. “Koox yar oo dad ah ayaa gacanta ku haya iskaashiga u dhexeeya Turkiga iyo Midowga Yurub, arrintaas oo saameynaysa masiirka in ka badan 400 milyan oo qof.”
Wuxuu ku dooday in Turkigu weli yahay saaxiib lagu kalsoonaan karo, cadaalad ku shaqeeya, karti leh, lehna hay’ado xooggan, bulsho firfircoon, iyo ganacsi gaar loo leeyahay oo tartan leh. Wuxuu intaa ku daray in ka gudbidda caqabadaha siyaasadeed ay muhiim u tahay in xiriirka Midowga Yurub iyo Turkiga uu gaaro awooddiisa buuxda.


















