| Somali
CAALAMKA
2 daqiiqo akhris
Trump oo ka mamnuucay Koonfur Afrika ka qeybgalka shirka G20 ee 2026-ka dhici doona Miami
Trump wuxuu ku sababeeyay go’aankiisa isagoo ku andacooday “in la dilo beeraleyda cadaanka ah” ee Koonfur Afrika, sida uu sheegay, iyo diidmada dalkaasi ee ku saabsanaa inay si maqaam leh ugu wareejiyaan madaxtinimada G20.
Trump oo ka mamnuucay Koonfur Afrika ka qeybgalka shirka G20 ee 2026-ka dhici doona Miami
Ramaphosa wuxuu ka qoomameeyay hadalladii Trump, sida uu sheegay xafiiskiisa. / Reuters
27 Nofeembar 2025

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku dhawaaqay in Koonfur Afrika aan lagu caasuumi doonin shirka G20 ee sannadka dambe ka dhici doona Miami, taasoo weerarkiisa diblomaasiyadeed ee dalkaas gaarsiisay heer cusub.

Trump ayaa Arbacadii sheegay waxa uu ugu yeeray “ku xadgudub xuquuqda aadanaha oo argagax leh” oo ay la kulmaan beeraleyda cadaanka ah ee Koonfur Afrika, iyo diidmada Pretoria ee ku saabsanaa inay si maqaam leh ugu wareejiyaan guddoonsiinta madaxtinimada G20 Maraykanka dhamaadka shirkan sannadkan.

“South Africa waxay muujisay inayad u qalmin xubin ka noqoshada meel kaste oo caalami ah,” ayuu Trump ku qoray bartiisa Truth Social.

Dowladda Trump ayaa ka baaqsatay shirka G20 ee sannadkan, oo dhawaan ku soo dhammaaday Johannesburg, iyagoo ku eedeeyay Koonfur Afrika in mudnaanteeda — oo ay ku jiraan iskaashi dhanka ganacsiga iyo cimilada — ay ka hor imaanayaan siyaasadaha maamulka Trump.

Arrintaas awgeed, Madaxweyne Cyril Ramaphosa wuxuu diiday inuu si rasmiga ah ugu wareejiyo madaxtinimada G20 dalka martida loo yahay ee xiga, Maraykanka, sida caadadu tahay.

Trump iyo mas’uuliyiin ka tirsan maamulka ayaa sidoo kale ku eedeeyay Koonfur Afrika inay ka socoto “xasuuq cadaanka laga wado,” oo ay beegsanayaan Afrikaaners-ka, oo ah faracii gumeysatayaashii hore ee reer Yurub — eedeymo ay Pretoria si cad u beenisay.

“Dowladda Koonfur Afrika waxay diidan tahay inay qirto ama wax ka qabato ku xadgudubyada argagaxa leh ee lagula kacay Afrikaaners-ka iyo faraca gumeysatayaashii Dutch, French, iyo German,” ayuu Trump ku qoray qoraalkiisa. “Si fudud haddii loo dhigo, waxay dilayaan dadka cadaanka ah, waxayna si aan kala sooc lahayn ugu oggolaanayaan in beerahooda laga qaato.”

Xafiiska Ramaphosa ayaa sheegay inuu ka xumaaday hadallada Trump.

Bishii May, Aqalka Cad, Trump ayaa soo bandhigay muuqaal qaladaad badan ka buuxaan oo uu Ramaphosa ku qabsaday, isagoo ku doodayay inuu caddeynayo eedeymihiisa — kuwaas oo Koonfur Afrika beenisay.

Shirka G20, oo ay ka qayb galaan 20-ka dhaqaale ee ugu waaweyn dunida, ayaa lagu wadaa inuu ka dhaco December 2026 golaha Trump National Doral Miami ee gobolka Florida, oo uu leeyahay qoyska madaxweynaha Maraykanka.