Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa Arbacadii xarunta Wasaaradda ee Muqdisho kaga guddoomay nuqulka waraaqaha aqoonsiga ee safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Carabta ee Masar, Mudane Maxamed Saalax Xasan Keshtah.
Munaasabadda lagu qabtay xarunta Wasaaradda ayuu Wasiir Cabdisalaam si diirran ugu soo dhaweeyay Safiir Keshtah, isagoo u rajeeyay waqti guul leh oo uu ku xoojinayo xiriirka taariikhiga ah iyo walaaltinimada ee ka dhexeeya labada dal.
Wasiir Cabdisalaam wuxuu mar kale xaqiijiyay sida Soomaaliya uga go’an tahay in ay sii ballaariso iskaashiga ay la leedahay Masar, gaar ahaan meelaha ay labada dhinac danaha wadaagaan, isagoo sheegay in Wasaaraddu ay bixin doonto dhammaan taageerada lagama maarmaanka ah si uu u fududaado howlaha diblomaasiyadeed ee safiirka.
Sidoo kale, Wasiirku wuxuu carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay xoojinta xiriirka taariikhiga ah iyo wada-shaqeynta u dhaxaysa Soomaaliya iyo Masar, oo ku dhisan taariikh wadaag, isku xirnaan dhaqan, iyo ixtiraam wadajir ah.

















