| Somali
CAALAMKA
2 daqiiqo akhris
RSF oo burburisay in ka badan 1,800 warshadood oo ku yaal Khartoum: Wasiirka Warshadaha ee Suudaan
Wasiirka Warshadaha ayaa sheegtay in inta badan weerarrada RSF lagu bartilmaameedsaday kaabayaasha warshadaha.
RSF oo burburisay in ka badan 1,800 warshadood oo ku yaal Khartoum: Wasiirka Warshadaha ee Suudaan
RSF oo in ka badan 1,800 warshadood oo ku yaal Khartoum. / AA
21 Nofeembar 2025

In ka badan 1,800 warshadood ayaa lagu burburiyay Khartoum iyadoo ay ka dambeeyeen maleeshiyaadka RSF ee hubeysan, sida ay Khamiistii sheegtay Wasiirka Warshadaha ee Suudaan.

“Maleeshiyada fallaagada ah waxay burburiyeen 1,877 warshadood oo ku yaal gobolka Khartoum, kuwaas oo 553 gebi ahaanba la baabi’iyay, 1,267 kalena qeyb ahaan la burburiyey,” ayay tiri Wasiirka Warshadaha iyo Ganacsiga, Mahasen Cali Yacquub, oo shir jaraa’id ku qabatay Port Sudan.

Waxay sheegtay in baaritaan ay dowladdu sameysay kadib markii ay dib u qabsadeen Khartoum uu muujiyay burbur baaxad leh. Wasiirku waxay tilmaamtay in weerarrada RSF inta badan lagu bartilmaameedsaday kaabayaasha warshadaha, gaar ahaan qalabka iyo nidaamyada tamarta, si looga hortago in shaqadu dib uga bilaabato caasimadda.

“Warshadaha dalka waxaa soo gaaray burbur ballaaran oo qorsheysan, taasoo keentay in gebi ahaan ay istaagto wax-soo-saarkii Khartoum, Al-Jazira iyo Sennar,” ayay Yaquub raacisay.

Waxay xustay in weerarrada RSF ay “gebi ahaanba curyaamiyeen qaybta warshadaha” taasoo ku qasbeysa dalka inuu xitaa baahiyaha ugu aasaasiga ah dibadda ka soo dejiyo.

Bishii May 2025, ciidamada dowladda Suudaan waxay ku dhawaaqeen inay dib ula wareegeen guud ahaan gobolka Khartoum.

Ciidanka dowladda iyo kuwa RSF ayaa ku jiray dagaal ba’an tan iyo April 15, 2023, dagaalkaas oo ay ku dhinteen kumannaan qof, malaayiinna ay ku barakaceen.

Ilaa hadda, RSF waxay maamushaa dhammaan shanta gobol ee Darfur ee galbeedka Suudaan, halka ciidanka dowladda ay hayaan inta badan 13-ka gobol ee kale ee koonfurta, waqooyiga, bariga iyo bartamaha, oo ay ku jirto caasimadda Khartoum.

XIGASHO:AA