Hay’adda Samafalka ee Qatar Charity ayaa sheegtay inay hirgelisay mashruuc ceelal qodis ah oo ay ku jiraan 73 ceel biyood oo laga fuliyay gobollo kala duwan oo Soomaaliya ah, taasoo ay maalgeliyeen shacabka Qatar.
Waxaa la filayaa in in ka badan 36,500 qof oo ka tirsan bulshooyinka reer miyiga iyo dadka barakacayaasha ah, gaar ahaan meelaha ugu nugul, ay ka faa’iideystaan mashruucan. Agaasimaha xafiiska Qatar Charity ee Soomaaliya, Cabdifataax Aadan Macallim, ayaa sheegay in mashaariicdan ay qayb ka yihiin dadaallada bini’aadantinimo iyo horumarineed ee mudnaanta u leh hay’adda.
Wuxuu ku daray in Qatar Charity ay sii wadi doonto taageerada ay u fidiso shacabka Soomaaliyeed, iyada oo hirgelin doonta mashaaric xoojiya adkeysiga bulshooyinka ee wajahaya caqabadaha bani’aadamnimo.
Mas’uuliyiinta dawladda Soomaaliya iyo gobollada ayaa uga mahadceliyay hay’adda taageeradan muhiimka ah. Agaasimaha arrimaha bulshada ee gobolka Hiiraan, Cabdiwahaab Cumar, ayaa sheegay in gobolka uu aad ugu baahnaa mashaariicdan maadaama ay abaartu saameysay adeegyada biyaha oo aad u liitay.
Guddoomiyaha gobolka Baay, Cali Wardheere Dooyow, ayaa ammaanay dadaallada Qatar Charity, isagoo xusay in helidda biyaha ay si weyn u yarayn doonto culayska maalinlaha ah ee kumannaan qoys oo horey ugu safri jiray masaafooyin dheer si ay u helaan biyo nadiif ah.
Guddoomiyaha degmada Waajid, Maxamed Macallin Yuusuf, ayaa sheegay in helista biyo nadiif ahi ay yareyn doonto cudurrada ka dhasha biyaha wasakhda ah, isla markaana ay ka caawin doonto qoysaska inay ku sii nagaadaan deegaannadooda halkii ay u guuri lahaayeen gobollo kale.
Qatar Charity ayaa intaas ku dartay inay 78 mashruuc oo ceelal qodis ah ka fulisay Soomaaliya sannadkii 2024, kuwaas oo ay ka faa’iideysteen in ka badan 140,000 qof.



















