| Somali
CAALAMKA
2 daqiiqo akhris
Venezuela oo sii deysay 'tiro badan' oo maxaabiis ah kadib qafaashashadii Maduro
Mas'uuliyiinta Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaan ka hadlin in sii deyntani ay ahayd dalab ka yimid maamulka Trump.
Venezuela oo sii deysay 'tiro badan' oo maxaabiis ah kadib qafaashashadii Maduro
Mas'uuliyiinta dalka Venezuela ayaa bilaabay inay sii daayaan "tiro badan" oo maxaabiis ah, kuwaas oo qaarkood ay yihiin ajaanib / Reuters
9 Janaayo 2026

Mas'uuliyiinta dalka Venezuela ayaa bilaabay inay sii daayaan "tiro badan" oo maxaabiis ah, kuwaas oo qaarkood ay yihiin ajaanib, shan maalmood uun kadib markii ciidamada Mareykanka ay "qafaasheen" Nicolas Maduro, sida uu sheegay afhayeenka baarlamaanka dalkaas, Jorge Rodriguez.

Rodriguez oo wariyeyaasha kula hadlayay Khamiistii ayaa sheegay in dowladdu ay fulineyso "sii deyn degdeg ah oo loo sameynayo tiro badan oo muwaadiniin u dhashay Venezuela iyo kuwa shisheeye ah," tallaabadaas oo uu ku tilmaamay mid ah "tilmaan dhinac kaliya ah."

"Dowladda Bolivarian-ka, iyadoo kaashanaysa hay'adaha qaranka, waxay go'aansatay inay sii deyso tiro badan oo shaqsiyaad u dhashay Venezuela iyo kuwa ajaanib ah, habraacyada sii deyntuna waxay socdaan hadda aan joogno," ayuu raaciyay Rodriguez.

Tani ayaa ahayd calaamaddii ugu horreysay ee muujinaysa tanaasul suurtagal ah oo ka yimid dowladda Venezuela, tan iyo markii maamulka Madaxweyne Donald Trump uu sheegay inuu "mas'uul ka yahay" arrimaha Venezuela. Hase yeeshee, Jorge Rodriguez ma uusan sheegin tirada rasmiga ah ee maxaabiista la sii deynayo.

Hay'adda aan dowliga ahayn ee la socodka xuquuqda aadanaha ee Foro Penal ayaa sheegtay in Venezuela ay ku xiran yihiin 806 maxbuus oo siyaasadeed, kuwaas oo ay ku jiraan 175 xubnood oo ka tirsan milatariga. Kooxda ayaa ku tilmaamtay hadalka Rodriguez "war wanaagsan" balse waxay sheegeen inay weli xaqiijinayaan sii deynta dadkaas.

Mas'uuliyiinta Waaxda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaan ka hadlin in sii deyntani ay ahayd dalab ka yimid maamulka Trump. Madaxweyne Trump ayaa Talaadadii sheegay in mas'uuliyiinta Venezuela ay "xirayeen" goob uu ku tilmaamay "qol jirdil oo ku dhex yaalla Caracas," isagoon bixin faahfaahin dheeri ah.

Dhinaca kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Spain, Jose Manuel Albares, ayaa sheegay in muwaadiniin Isbaanish ah ay ka mid noqon doonaan dadka laga sii deynayo xabsiyada Venezuela, sida ku cad xogta ay Spain helayso, wuxuuna tallaabada mas'uuliyiinta Venezuela ku tilmaamay mid "aad u wanaagsan."

XIGASHO:TRT World and Agencies
Raadi Warar Kale
Muqdisho: Culimada oo hoggaamiyay dibadbax weyn oo looga soo horjeedo 'faragelinta Israa’iil'
Cutubyo ka tirsan Ciidanka Kumaandooska Soomaaliyeed ee Gorgor oo ka qalinjabiyey TURKSOM
Golaha Nabadda iyo Amniga Midowga Afrika oo si adag u cambaareeyay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland
Jaamacadda Carabta oo cambaareysay booqashada Wasiirka Arrimaha Dibadda Israa’iil ee Somaliland
Soomaaliya oo cambaareysay booqashada Gideon Saar ee Somaliland, kuna tilmaantay mid sharci darro ah
Masar oo diidday tallaabada Israa’iil ee sharci-darrada siyaasadeed ah ee lagu aqoonsaday Somaliland
Midowga Afrika oo ku baaqay in si degdeg ah loo laalo aqoonsiga ay Israa’iil siisay Somaliland
Wasiirka Arrimaha Dibadda Israa’iil oo gaaray Somaliland kaddib aqoonsi muran dhaliyay
Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo shacabka Gobolka Banaadir ugu hambalyeysay doorashada golaha deegaanka
Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo dib u eegis ku sameeyey amniga, ansixiyayna heshiisyo muhiim ah
Ku dhowaad 65,000 qof oo ka barakacay gobolka Kordofan ee Suudaan sababo la xiriira amni darro: QM
Soomaaliya oo la wareegtay hoggaanka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kulan la qaatay dhiggiisa Sacuudiga
Ciidanka Xoogga Dalka oo koonfurta Soomaaliya ku dilay 15 qabtayna 8 kale oo ka tirsan al-Shabaab
Diblomaasiga ugu sarreeya Venezuela oo dalbaday garab-istaag caalami ah oo ka dhan ah 'gumeysiga' US
Falcelinta caalamka ee duqeymaha Mareykanku ku qaaday Venezuela iyo ‘qabashada’ Madaxweyne Maduro
MW Maduro oo ku jira gacanta Mareykanka si uu u wajaho dacwado dambiyeed, Rubio oo u sheegay Senator
Madaxweyne Maduro iyo xaaskiisa oo laga saaray Venezuela, sida uu sheegay Trump
Kuuba iyo Kolombiya ayaa cambaareeyay weerarro la sheegay in Mareykanku ku qaaday Venezuela
Maduro ayaa amar ku bixiyay abaabul qaran isagoo cambaareeyey “weerarka gumeysi ah" ee Mareykanka