Ugu yaraan lix argagixiso oo ka tirsan Daacish ayaa lagu dilay howlgal ka dhan ah argagixisada oo ka dhacay gobolka Yalova ee waqooyi-galbeed Turkiga, sida uu Isniintii sheegay Wasiirka Arrimaha Gudaha Turkiga.
Ali Yerlikaya ayaa sheegay in saddex askari oo boolis ah ay sidoo kale ku dhinteen howlgalka kadib markii dagaalyahannadu ay rasaas ku fureen ciidamada ammaanka.
“Nasiib darro, saddex ka mid ah askarteena geesiyaasha ah ayaa ku nafwaayey,” ayuu yiri Yerlikaya, isagoo intaa ku daray in siddeed askari oo boolis ah iyo hal waardiye amni ay ku dhaawacmeen iska horimaadka.
Howlgalka ayaa lagu bartilmaameedsaday dagaalyahanno ka tirsan Daacish oo ku sugnaa Yalova, waxaana fuliyay ciidamada ammaanka Turkiga, isagoo qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee dalkaasi kula dagaallamayo argagixisada, ayuu wasiirku sheegay.



























