| Somali
CAALAMKA
3 daqiiqo akhris
Qaraxyo gilgilay Caracas kaddib digniin uu Trump ka bixiyay duqeymo lagu qaado Venezuela
Qaraxyadii habeenimadii gilgilay Caracas ayaa ku soo beegmay kaddib hanjabaado Mareykanku ka bixiyay duqeymo, halka Maduro uu beeniyay wax khalad ah oo uu galay isla markaana ugu baaqay iskaashi.
Qaraxyo gilgilay Caracas kaddib digniin uu Trump ka bixiyay duqeymo lagu qaado Venezuela
Uuro ayaa ka kacday garoonka diyaaradaha La Carlota kaddib qaraxyo laga maqlay Caracas, Venezuela, Sabtidii, Jan. 3, 2026. / AP
3 Janaayo 2026

Qaraxyo xooggan oo ay wehliyeen sawaxan u eg diyaarado dul maraya ayaa laga maqlay magaalada Caracas abaarihii 2:00 habeenimo (0600 GMT) ee Sabtidii, sida uu sheegay weriye ka tirsan AFP.

Qaraxyadan ayaa dhacay iyadoo Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, oo ciidamadiisa badda u diray mandiqadda Kariibiyaanka, uu sare u qaaday suurtagalnimada in weerarro dhulka ah lagu qaado Venezuela.

Dhawaqa qaraxyada ayaa weli la maqlayay ilaa 2:15 habeenimo, inkasta oo aan la xaqiijin goobta saxda ah ee ay ka dhaceen.

Trump ayaa Isniintii sheegay in Mareykanku uu beegsaday oo burburiyay goob ay ku xirtaan maraakiib lagu eedeeyay inay ka shaqeeyaan ka ganacsada daroogada kuwaasoo laga leeyahay Venezuela.

Hoggaamiyaha Jamhuuriga ah ma uusan caddeyn in weerarku ahaa mid milatari ama mid ay fuliyeen hay’adaha sirdoonka CIA, sidoo kalena ma uusan sheegin halka uu ka dhacay, isagoo kaliya xusay inuu ahaa “xeebta agteeda.”

Weerarka la sheegay ayaa noqon kara kii ugu horreeyay ee la og yahay oo dhul ahaan lagu qaado gudaha Venezuela.

Madaxweynaha Venezuela Nicolas Maduro ma uusan xaqiijin mana uusan beenin weerarkii lagu qaaday Isniintii, balse Khamiistii ayuu sheegay inuu diyaar u yahay iskaashi lala yeesho Washington, kaddib toddobaadyo cadaadis milatari ah oo uga yimid Mareykanka.

Maamulka Trump ayaa ku eedeeyay Maduro inuu hoggaamiyo shabakad ka ganacsata daroogada, isla markaana sheegay inuu xoojinayo la dagaallanka tahriibinta, hase yeeshee hoggaamiyaha bidixda ah ayaa beeniyay eedeymahaas, isagoo sheegay in Washington ay doonayso inay afgembido maadaama Venezuela ay leedahay kaydka shiidaalka ee ugu weyn dunida ee ilaa iyo hadda la sahamiyey.

Washington ayaa sare u qaadday cadaadiska ay saarayso Caracas iyadoo si aan rasmi ahayn u xiraysa hawada Venezuela, soo rogtay cunaqabatayn dheeraad ah, isla markaana amartay in la qabto maraakiib shidaal oo laga leeyahay Venezuela kuwaasoo xilligaasi rarnaa.

Muddo toddobaadyo ah, Trump ayaa ku hanjabayay weerarro dhulka ah oo lagu qaado kooxaha ka ganacsada daroogada ee gobolka, isagoo sheegay inay bilaaban doonaan “goor dhow,” iyadoo Isniintii ay u muuqato tusaalihii ugu horreeyay.

Ciidamada Mareykanka ayaa sidoo kale tan iyo Sebtembar fuliyay weerarro badan oo lagu beegsaday maraakiib ku sugnaa Badda Kariibiyaanka iyo Bariga Badweynta Baasifigga, iyagoo bartilmaameedsanaya waxa ay Washington ku tilmaamtay tahriibiyeyaasha daroogada.

Si kastaba ha ahaatee, maamulku ma uusan soo bandhigin wax caddeyn ah oo muujinaysa in maraakiibta la beegsaday ay ku lug lahaayeen ganacsiga daroogada, taasoo dhalisay dood ku saabsan sharciyadda hawlgalladan.

Ololahan dhanka badda ah ee dhimashada sababay ayaa lagu dilay ugu yaraan 107 qof iyadoo lagu qaaday ilaa 30 weerar, sida ku cad xog uu baahiyey milatariga Mareykanku.

XIGASHO:AFP
Raadi Warar Kale
Midowga Afrika oo ku baaqay in si degdeg ah loo laalo aqoonsiga ay Israa’iil siisay Somaliland
Wasiirka Arrimaha Dibadda Israa’iil oo gaaray Somaliland kaddib aqoonsi muran dhaliyay
Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo shacabka Gobolka Banaadir ugu hambalyeysay doorashada golaha deegaanka
Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo dib u eegis ku sameeyey amniga, ansixiyayna heshiisyo muhiim ah
Ku dhowaad 65,000 qof oo ka barakacay gobolka Kordofan ee Suudaan sababo la xiriira amni darro: QM
Soomaaliya oo la wareegtay hoggaanka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kulan la qaatay dhiggiisa Sacuudiga
Ciidanka Xoogga Dalka oo koonfurta Soomaaliya ku dilay 15 qabtayna 8 kale oo ka tirsan al-Shabaab
Diblomaasiga ugu sarreeya Venezuela oo dalbaday garab-istaag caalami ah oo ka dhan ah 'gumeysiga' US
Falcelinta caalamka ee duqeymaha Mareykanku ku qaaday Venezuela iyo ‘qabashada’ Madaxweyne Maduro
MW Maduro oo ku jira gacanta Mareykanka si uu u wajaho dacwado dambiyeed, Rubio oo u sheegay Senator
Madaxweyne Maduro iyo xaaskiisa oo laga saaray Venezuela, sida uu sheegay Trump
Kuuba iyo Kolombiya ayaa cambaareeyay weerarro la sheegay in Mareykanku ku qaaday Venezuela
Maduro ayaa amar ku bixiyay abaabul qaran isagoo cambaareeyey “weerarka gumeysi ah" ee Mareykanka
Israa'iil oo aqoonsashada Somaliland uga bedelatay saldhig & barakicinta Falastiiniyiinta: MW Xasan
Hoggaamiyaha Suudaan Burhaan oo ballanqaaday guul laga gaaro RSF, lana gaari doono dib-u-heshiisiin
Kumanaan qof oo Soomaaliya ka mudaaharaaday si ay u cambaareeyaan aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland
DRC oo hakisay shaqada afhayeenka ciidanka kadib hadallo takoor ah oo ka dhan ah bulshada Tutsi-ga
Madaxweynaha Soomaaliya oo booqasho rasmi ah ku tagi doona Turkiga
Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Turkiga oo bogaadiyey taageerada dowladda Turkiga