Koonfurta Suudaan ayaa ciidamo u dirtay dalka deriska ah ee Suudaan si ay u ilaaliyaan goobta istiraatiijiga ah ee Shiidaalka Heglig ee ku dhow xadka, sida uu sheegay taliyaha milatariga dalkaasi, maalmo ka dib markii ay qabsadeen maleeshiyada RSF.
Heglig waxaa ku yaalla xarunta ugu weyn ee shiidaalka Koonfurta Suudaan, taasoo ka dhigaysa ilaha ugu badan ee dakhliga guud ee Koonfurta Suudaan.
Ilo ka tirsan dowladda Suudaan ayaa Reuters u sheegay Isniintii in ciidamada dowladda iyo shaqaalihii ka shaqaynayay goobta shiidaalka ee Heglig ay Axaddii ka baxeen aagga si looga fogaado dagaal keeni kara in waxyeello soo gaarto xarumaha.
Janaraal Paul Nang, taliyaha guud ee ciidamada Koonfurta Suudaan, ayaa sheegay in dirista ciidanka ay isku afgarteen Madaxweynaha Koonfurta Suudaan Salva Kiir, Taliyaha Ciidanka Suudaan Janaraal Abdel Fattah al-Burhan iyo madaxa RSF Maxamed Hamdan Dagalo.
Dagaalka Suudaan, oo billowday Abriil 2023, ayaa dilay kumanaan qof kana barakiciyey malaayiin, iyadoo aysan jirin calaamad muujinaysa in xiisadu hoos u dhacdo maaddaama xariiqaha colaadeed ay ku fidaan dalka oo dhan.

















