Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo ciidamada deegaanka ayaa Axaddii howlgallo ka sameeyay tuulada Busley Daa’uud ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Intii lagu jiray howlgalka, sagaal ka tirsan maleeshiyaadka Al-Shabaab ayaa la dilay, kuwaasoo la sheegay in dhibaato iyo amni darro ay ku hayeen shacabka deegaanka.
Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo ciidamada deegaanka ayaa sii wada dadaallada lagu ciribtirayo Al-Shabaab, waxayna weli ka go’an tahay inay ilaaliyaan shacabka isla markaana xoreeyaan dhammaan deegaannada ay kooxaha argagixisada ah weli isku dayayaan inay ku dhuuntaan.
Al-Shabaab ayaa muddo ka badan 16 sano ku jirtay kacdoon hubeysan oo ka dhan ah dowladda Soomaaliya, iyagoo si joogto ah u beegsata ciidamada amniga, mas’uuliyiinta iyo shacabka.
Tan iyo bishii Luulyo ee sannadkii hore, Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya AUSSOM iyo saaxiibo kale oo caalami ah, ayaa kordhiyay howlgalada ka dhanka ah ururka al-Shabaab.
Waajibaadka AUSSOM ayaa dib loogu cusboonaysiiyay hal sano oo kale bishii Diseembar, iyadoo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ansixiyay qaraar lagu kordhinayo hawlgalka ilaa 31-ka Diseembar 2026.

















