| Somali
CAALAMKA
2 daqiiqo akhris
Duqa Muqdisho oo casho sharaf ku maamuusay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ee Waqooyi Bari
Duqa Muqdisho, Dr. Muungaab, oo munaasabadda ka hadlay, ayaa sheegay in Muqdisho ay tahay hooyada Soomaaliweyn, ayna mar walba u furan tahay madaxda iyo shacabka Soomaaliyeed.
Duqa Muqdisho oo casho sharaf ku maamuusay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ee Waqooyi Bari
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Dr. Xasan (Muungaab), iyo Guddoomiye Dr. Adan Cabdullahi Aw Xasan. / User Upload
15 Oktoobar 2025

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa Talaadadii casho sharaf ku maamuusay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya, Adan Cabdullahi Aw Xasan, oo booqasho ku jooga magaalada Muqdisho.

Munaasabaddan oo ka dhacday hoyga Duqa Muqdisho, ayaa diiradda lagu saaray sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka iyo wadashaqeynta ka dhaxaysa maamullada kala duwan ee dalka.

Waxaa la isku raacay muhiimadda ay leedahay in la joogteeyo wadatashiga iyo isku xirnaanta hay'adaha dowliga ah si loo gaaro horumar loo dhan yahay.

Kulanka waxaa ka soo qaybgalay marti sharaf kala duwan oo ay ka mid ahaayeen Xildhibaanno ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka, Guddoomiye Ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda ee Gobolka Banaadir, Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), Guddoomiye Ku-xigeenka Howlaha Guud, Mudane Cabdimajiid Daahir Aadan, Agaasimayaal, siyaasiyiin, iyo odayaal dhaqan, kuwaas oo dhammaantood bogaadiyay tallaabadan lagu dhisayo midnimada.

Duqa Muqdisho, Dr. Muungaab, oo munaasabadda ka hadlay, ayaa sheegay in Muqdisho ay tahay hooyada Soomaaliweyn, ayna mar walba u furan tahay madaxda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Wuxuu kulankan ku tilmaamay mid muhiim u ah dhismaha kalsoonida iyo xoojinta midnimada qaranka.

Dhankiisa, Guddoomiye Adan Cabdullahi Aw Xasan ayaa si weyn ugu mahadceliyay Duqa Muqdisho soo dhoweynta diirran, wuxuuna ku ammaanay caasimadda doorkeeda hormuudnimo ee nabadda, horumarka iyo midnimada dalka.

XIGASHO:TRT SOMALI
Raadi Warar Kale
Soomaaliya oo si kulul u cambaareysay weerarkii argagixiso ee Gobolka Zamfara ee dalka Nigeria
Soomaaliya oo sheegtay in la dilay 17 taliye oo ka tirsan al-Shabaab 6-dii bilood ee u dambeysay
OIC oo cambaareeyey hadallada safiirka Mareykanka ee ku saabsan dhul-ballaarsiga Israa’iil
Dab ka kacay xero barakacayaal oo ku taalla Kordofan ee Suudaan oo 41 qoys ka dhigay hoy la’aan: IOM
Golaha Wasiirrada oo ansixiyay tallaabooyin lagu horumarinayo badqabka duulimaadyada
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kulan istiraatiiji ah la yeeshay hoggaanka AUSSOM
Safiirka Soomaaliya oo Warqadaha Aqoonsiga u Gudbiyay Madaxweynaha Hungary munaasabad taariikhi ah
QM: Carruurta Suudaan oo halis weyn ku jira kadib weeraro drone oo lagu beegsaday xeryo barakacayaal
Soomaaliya: MW Xasan Sheekh oo Madaxtooyada Kulan Ballaaran kula qaatay Xubnaha Golaha Mustaqbalka
Kumannaan qof oo salaaddii ugu horreysay ee Taraawiixda Ramadaan ku tukaday Masjidka Al-Aqsa: Qudus
Ugu yaraan 50 rayid ah oo lagu dilay iska horimaadyo ka dhacay bariga DRC: OCHA
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo qaabilay Safiirka Qatar si loo xoojiyo iskaashiga laba geesoodka ah
Gabon oo muddo aan la cayyimin hakisay isticmaalka qeyb ka mid ah baraha bulshada
Dab ka kacay xero barakacayaal oo ku taal Waqooyiga Daarfuur oo 60 qoys hoy la'aan dhigay: Suudaan
Madaxweyne Xasan Sheekh oo martigeliyay Madasha Mustaqbalka kahor Shirka Wadatashiga Qaran
Masar oo ku baaqday iskaashi dhex mara dalalka Wabiga Niil, kana hortimid tallaabooyin hal dhinac ah
MW Xasan Sheekh oo ugu hambalyeeyay shacabka Soomaaliyeed bilowga bisha barakeysan ee Ramadaan
Soomaaliya oo dhimis ku sameysay saacadaha shaqada ee bisha Ramadaan
Dalalka Islaamka qeybtood oo Arbacada soomman, halka kuwo kuwo kalena ay maalin ka dambeeyaan
In ka badan nus milyan qaxooti ah oo ku laabtay Suudaan labadii sano ee la soo dhaafay: IOM