Ciidanka Suudaan ayaa Axaddii qabsaday dhowr deegaan oo galbeed ka xiga Abbasiya Tagali ee gobolka Koonfurta Kordofan, ka dib markii ay ka dhaceen dagaallo culus oo ay la galeen ciidanka RSF iyo xulafadooda SPLM-N, sida ay sheegeen goobjoogayaal.
Ciidanka ayaa qabsaday Tabsa, Al Damra, Gardoud Jama iyo Al Mureib ka dib markii ay la dagaallameen xoogaggii RSF iyo SPLM-North, sida goobjoogayaashu u sheegeen warbaahinta Anadolu, iyaga oo intaa ku daray in qabsashada goobahan galbeedka Abbasiya Tagali ay horistaagayso weerarada RSF iyo xulafadooda ee ay ku hayeen magaalada.
Madasha bulshada Buuraha Nuba, oo ah hay’ad maxalli ah, ayaa xaqiijisay in ciidanku kala wareegay gacanta RSF deegaannada Tabsa, Gardoud Jama, Al Mureib iyo Al Damra.
Ciidanka ayaa soo dhigay muuqaalo ay ku sheegayaan inay gacanta ku hayaan Tabsa iyo Al-Damra, iyadoo dad rayid ah ay dabbaal-degayaan.
Dagaal xoogan
Ciidanka Suudaan, RSF iyo SPLM-N midkoodna kama jawaabin warbixintan.
Saddexda gobol ee Kordofan – Waqooyi, Galbeed iyo Koonfur – toddobaadyo badan waxa ka socday dagaallo xoogan oo u dhexeeya ciidanka Suudaan iyo RSF, taasoo ku qasabtay tobanaan kun oo qof inay qaxaan, sida ay sheegeen dadka deegaanku.
18-ka gobol ee Suudaan, RSF waxay gacanta ku haysaa dhammaan shanta gobol ee gobolka Darfur ee galbeedka, marka laga reebo qaybo ka mid ah Waqooyiga Darfur oo wali ay ciidanku gacanta ku hayaan.
Dhanka kale, ciidanka Suudan ayaa gacanta ku hayya inta badan deegaanada 13-ka gobol ee kale ee ku yaal koonfurta, waqooyi, bari iyo bartamaha, oo ay ku jirto caasimadda Khartuum.
Dagaalka u dhexeeya ciidanka Suudaan iyo RSF, oo billowday Abriil 2023, ayaa lagu qiyaasay inuu dilay ugu yaraan 40,000 oo qof islamarkaana barakiciyey 12 milyan, sida ay sheegtay Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO).

















