Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan kordhinta ka qaybqaadashada dadaallada nabadeed ee caalamiga ah ee ka socda goobaha colaaduhu ka aloosan yihiin ee Bariga Dhexe ilaa Afrika iyo Ukraine.
Isagoo saxaafadda kula hadlayay shirka madaxda G20 ee Axaddii ku qabsoomay Johannesburg, Koonfur Afrika, Madaxweyne Erdogan ayaa sheegay in Turkigu uu dadaal badan gelinayo xaqiijinta nabad cadaalad ah oo waarta oo u dhexeysa Ukraine iyo Ruushka.
Waxa uu intaa ku daray in Isniinta uu wici doono dhiggiisa Ruushka, Vladimir Putin, si looga wada hadlo soo nooleynta marinka raashinka ee Badda Madow, isaga oo yiri, 'dadaalkeenna ku saabsanaa marinka raashinka, dhab ahaantii, waxaa loogu talagalay in albaabka nabadda lagu furo.'
'Waxaan aaminsanahay in, haddii aan geeddi-socodkan dhaqaajino, uu noqon doono mid faa'iido weyn leh,' ayuu ku daray.
Erdogan ayaa sheegay in Turkigu uusan ka gaabin doonin dadaalka lagu doonayo in lagu dhexdhexaadiyo dhammaadka colaadda. 'Dad badan ayaa dhintay; waxaan la hadli doonaa (Putin) si aan uga wada hadalno tallaabooyinka aan qaadi karno si dhimashadu u joogsato. Wadahadalladan ka dib, waxaan aaminsanahay in aan fursad u heli doono in aan natiijada kala hadlo reer Yurub, Mr. Trump, iyo saaxiibbada kale,' ayuu yiri.
‘Xasuuq’ ay Israa’iil ku gashay Qaza
Markii uu ka jawaabayay su'aalo ku saabsan diidmada Israa'iil ee ku aaddan ka qaybgalka ciidamada ammaanka ee Turkiga ee qorshaysan in loo diro ciidamo caalami ah oo ka qeyb qaata xasillinta Qaza, Erdogan ayaa sheegay in Ankara weli ay arrintaas si wadajir ah ula qiimeynayso wasaaraddiisa gaashaandhigga.
'Qiimayn kadib, waxaan gaari doonaa go'aankeena,' ayuu yiri.
Turkigu wuxuu door muhiim ah ka ciyaaray wada-hadallada lagu gaaray joojinta dagaalka ee Qaza, isagoo noqday mid ka mid ah saxiixayaasha heshiiskii lagu gaaray Masar. Sidoo kale Turkigu wuxuu marar badan muujiyay rabitaankiisa ah in uu ku biiro ciidamada xasillinta ee la qorsheeyay, inkasta oo ay jirto mucaarado xooggan oo ka timaaday dhanka dowladda Israa'iil.
Erdogan ayaa ku celiyay mowqifkiisa ah in weerarrada Qaza ay u dhigmeen 'xasuuq' iyo in Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu uu mas'uul ka yahay. Wuxuu sheegay in nabadda caalamiga ah aanay suurtagal ahayn iyada oo aan la helin dawlad Falastiin leedahay oo madax-bannaan oo ku saleysan xuduudihii 1967, iyada oo Bariga Quddus ee la haysto ay tahay caasimaddeeda. Waxa uu intaa ku daray in Turkigu si xoogan u taageeray qadiyadda Falastiin isla markaana si geesinimo leh madal kasta uga difaaco xuquuqda dadka dulman ee Qaza.
Dagaalka Suudaan
Isagoo ka hadlay xaaladda Suudaan, Madaxweyne Erdogan ayaa sheegay in 'walaalaha Suudaan' ay doonayaan in Turkiga lagu daro dadaallada nabadda lagu gaarsiinayo dalka colaadda ku jirta, islamarkaana Ankara ay dadaal kasta gelin doonto si ay uga caawiso in colaadda la dhameeyo.
Dagaalku wuxuu qarxay 2023 oo uu socday loolan awoodeed oo u dhexeeya Ciidamada Qaranka Dalka Suudaan iyo RSF, qabsashadii dhowaan ay ku sameeyeen Al-Fashir, oo ka mid ah magaalooyinka ugu waaweyn Suudaan, ayaa dhalisay dilal aad u badan.
Turkiga ayaa marar badan muujiyay taageero uu u hayo dowladda Suudaan kuna baaqay in dagaalka la joojiyo.



























