| Somali
CAALAMKA
2 daqiiqo akhris
Suudaan: RSF oo si iskeed ah ugu dhawaaqday xabbad-joojin saddex bilood ah, sida uu sheegay Dagalo
Hoggaamiyaha RSF, Mohamed Dagalo, ayaa fiidnimadii Isniinta sheegay in ciidamadiisu ay si degdeg ah u geli doonaan xabbad-joojin bini’aadamnimo oo saddex bilood ah.
Suudaan: RSF oo si iskeed ah ugu dhawaaqday xabbad-joojin saddex bilood ah, sida uu sheegay Dagalo
Ciidamada RSF ayaa keligood ku dhawaaqay xabbad-joojin saddex bilood ah. / Sawirka: Reuters / Reuters
25 Nofeembar 2025

Hoggaamiyaha Ciidanka RSF ee Suudaan ayaa fiidnimadii Isniinta sheegay in ciidamadiisu ay si degdeg ah u dhaqangelin doonaan xabbad-joojin bini’aadamnimo oo saddex bilood ah, kadib markii Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu toddobaadkii hore sheegay inuu gacan ka geysan doono soo afjaridda dagaalka sababay macaluusha.

Mareykanka, Imaaraadka Carabta, Masar iyo Sacuudi Carabiya — oo loo yaqaan 'Quad' — ayaa horaantii bishan soo jeediyey qorshe xabad-joojin saddex bilood ah oo ay ka dambeeyaan wada-xaajoodyo nabadeed. RSF waxay ku jawaabtay inay aqbashay qorshaha, balse waxyar kaddib waxay weerar ku qaadeen dhul ay ka arriyaan ciidamada Suudaan iyagoo adeegsanaya duqeymo diyaarado aan duuliyaha lahayn.

Bayaankii Isniinta ayaa u muuqday mid ku dhawaaqaya xabad-joojin gooni u ah RSF, taasoo timid maalin kaddib markii taliyaha ciidamada Suudaan uu diiday soo-jeedinta dalalka loo yaqaan Quad-ka, uuna canbaareeyey in Imaaraadka Carabta loogu daray dhexdhexaadiye, kaasoo si weyn loogu eedeeyay inuu hub siiyo RSF.

Dawladda Imaaraatka Carabta ayaa beenisay eedaymahaas waxayna sheegtay in hadafkeedu yahay in dagaalka la joojiyo.

Sababta ciidamada Suudaan u diideen soo-jeedinta Trump

"Iyadoo laga jawaabayo dadaallada caalamiga ah, gaar ahaan kuwa Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump... waxaan ku dhawaaqayaa xabad-joojin bini'aadantinimo oo ay ku jirto joojinta colaadaha muddo saddex bilood ah," ayuu yiri Janaraal Mohamed Hamdan Dagalo oo ka tirsan RSF.

"Waxaan rajeyneynaa in dalalka Quad-ka ay door ka ciyaaraan ku qancinta dhinaca kale si ay ula aqbalaan tallaabadan," ayuu intaas ku daray.

Hadalkiisa ayaa yimid xilli RSF ay wajahday cambaarayn kadib weeraro naxariis darro ah oo lagu qaaday rayidka kaddib markii ay qabsadeen magaalada Al Fasher dabayaaqadii Oktoobar. Qabsashada magaalada ayaa xoojisay xakunkooda gobolka Darfur, sidoo kalena kordhiyay weeraro ka dhan ah gobolka Kordofan si ay uga taliso dalka.

Taliyaha ciidamada Suudaan, Janaraal Abdel Fattah al-Burhan, ayaa khudbaddiisii Axaddii wuxuu ku eedeeyay soo-jeedinta Mareykanka inay ujeeddadeedu tahay in la daciifiyo ciidanka Suudaan islamarkaana la ogolaado in RSF ay sii haystaan dhulka ay qabsadeen.

RSF qayb kama noqon doonto 'xalka' caqabadaha Suudaan: Burhan

"Qofna Suudaan kama aqbali doono joogitaanka kuwaasi mucaaradka ah ama inay qayb ka noqdaan xalka mustaqbalka," ayuu yiri Burhan.

Dagaalka Suudaan oo Abriil 2023-kii ku bilowday sababo la xiriira khilaafaad ku saabsan isku-darka labada ciidan, ayaa intaa ka sokow dalka u geystay macaluul halka ay ku dhinteen tobanaan kun oo rayid ah.

RSF ayaa waxaa lagu eedeeyay inay geysteen xasuuq.

XIGASHO:Reuters