Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ayaa ammaanay horumarka ay Suuriyaanku sameeyeen muddada sannadka ah "inkastoo ay jireen dhibaatooyin badan, isku dayo burburin iyo kicin bulsho."
Qoraal uu Isniintii uk daabacay bartiisa warbaahinta bulshada ee Turkiga ee NSosyal, madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan waxa uu amaanay sannad-guuradii koowaad ee kacaankii 8-da Disembar, kaasoo uu sheegay inuu Suuriyaanka xoreeyey kadib sannado dulmi ah, nafhurid badan, xanuun qoto dheer iyo dhibaatooyin aan la soo koobi karin.
Waxa uu intaas raaciyey inuu naxariis ku xusuusto kuwii shahadada ku baxay weerarada ay fuliyeen xukuumadii hore iyo kooxaha argagixisada, isaga oo intaa ku daray: "Maalinta Xorriyadda Suuriya ee 8-da Disembar, waxaan shacabka walaalaha ah ee Suuriya u dirayaa salaam iyo kalgacal qoto dheer oo ka imanaysa Turkiga."
Madaxweynaha Turkiga ayaa sidoo kale adkeeyey in Turkigu "sii wadi doonto bixinta dhammaan taageerada lagama maarmaanka ah si loo ilaaliyo midnimada dhuleed ee Suuriya, looga caawiyo dhismaha nabad dhex marta dhammaan qaybaha bulshada dalka, iyo in la hubiyo inay noqoto xarun nabad iyo xasillooni oo ka dhex muuqata gobolka."
Bashar Al Assad oo ahaa hogaamiyihii Suuriya muddo ku dhow 25 sano, ayaa u baxsaday Ruushka bishii Disembar ee sannadkii hore, taasoo soo afjartay xukunkii Xisbiga Bacath oo tan iyo 1963 talada hayey. Maamulka cusub ee Sharaa ayaana la dhisay bishii Janaayo.



























