| Somali
TURKIGA
2 daqiiqo akhris
Erdogan oo ammaanay horumarka Suuriya ka dib riditaankii nidaamka Asad
Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa mar kale xaqiijiyay in Ankara ay ka go’an tahay ilaalinta midnimada dhuleed ee Suuriya, iyo taageeridda nabadda ee dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada.
Erdogan oo ammaanay horumarka Suuriya ka dib riditaankii nidaamka Asad
Erdogan ayaa shacabka walaalaha ah ee Suuriya u diray salaan iyo kalgacal ka timid Turkiga. / AA
9 Diseembar 2025

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ayaa ammaanay horumarka ay Suuriyaanku sameeyeen muddada sannadka ah "inkastoo ay jireen dhibaatooyin badan, isku dayo burburin iyo kicin bulsho."

Qoraal uu Isniintii uk daabacay bartiisa warbaahinta bulshada ee Turkiga ee NSosyal, madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan waxa uu amaanay sannad-guuradii koowaad ee kacaankii 8-da Disembar, kaasoo uu sheegay inuu Suuriyaanka xoreeyey kadib sannado dulmi ah, nafhurid badan, xanuun qoto dheer iyo dhibaatooyin aan la soo koobi karin.

Waxa uu intaas raaciyey inuu naxariis ku xusuusto kuwii shahadada ku baxay weerarada ay fuliyeen xukuumadii hore iyo kooxaha argagixisada, isaga oo intaa ku daray: "Maalinta Xorriyadda Suuriya ee 8-da Disembar, waxaan shacabka walaalaha ah ee Suuriya u dirayaa salaam iyo kalgacal qoto dheer oo ka imanaysa Turkiga."

Madaxweynaha Turkiga ayaa sidoo kale adkeeyey in Turkigu "sii wadi doonto bixinta dhammaan taageerada lagama maarmaanka ah si loo ilaaliyo midnimada dhuleed ee Suuriya, looga caawiyo dhismaha nabad dhex marta dhammaan qaybaha bulshada dalka, iyo in la hubiyo inay noqoto xarun nabad iyo xasillooni oo ka dhex muuqata gobolka."

Bashar Al Assad oo ahaa hogaamiyihii Suuriya muddo ku dhow 25 sano, ayaa u baxsaday Ruushka bishii Disembar ee sannadkii hore, taasoo soo afjartay xukunkii Xisbiga Bacath oo tan iyo 1963 talada hayey. Maamulka cusub ee Sharaa ayaana la dhisay bishii Janaayo.

XIGASHO:AA
Raadi Warar Kale
Turkiga oo cambaareeyay weerar dhimasho sababay oo RSF ku qaadeen dad barakacayaal ah dalka Suudaan
Erdogan: Dhulgariirradii Turkiga ka dhacay 2023-kii ayaa sababay khasaare gaaraya $250 bilyan
Erdogan oo xusay sannad-guurada dhulgariirka sheegayna in Turkigu fuliyey ballanqaadkii dib-u-dhiska
Sida gaari cas oo ka yimid Azerbaijan uu u noqday astaanta midnimada Turkida ee dhulgariirkii 2023
Turkiga oo kordhiyay taageerada militari ee cirka iyo dhulka ee Soomaaliya ee dagaalka argagixisada
MW Erdogan oo dhiggiisa Masar Sisi hadyad ahaan u siiyay gaariga korontada ee Turkiga ee Togg
MW Erdogan iyo Amiir Bin Salmaan oo mar kale xaqiijiyay taageerada midnimada Soomaaliya
Turkiga oo ballanqaaday taageero dheeri ah oo uu la garab taagan yahay Suudaan
Shan qodob oo ka soo baxay safarkii MW Erdogan ee Boqortooyada Sacuudiga
Madaxweynaha Turkiga Erdogan oo Riyadh kula kulmay Dhaxal-sugaha Sacuudiga Mohammed bin Salman
Madaxweynaha Turkiga Erdogan oo todobaadkan booqasho ku tagaya Sacuudiga iyo Masar
Bariga Dhexe wuxuu u baahan yahay heshiis dhanka amniga ah oo loo dhan yahay: Wasiir Fidan
Ankara: Diblomaasiga ugu sarreeya Iran oo Turkiga u tegaya wadahadallo maalinta Jimcaha
Iskaashiga dhinaca badaha ee u dhexeeya Turkiga iyo Soomaaliya oo sii xoogeysanaya
Turkiga oo ka taageeray Nigeria dadaallada la dagaallanka argagixisada: Erdogan
Fidan iyo wafdi ka socda Xamaas, oo ka wada hadlay nabadaynta Qaza iyo xaaladda bini'aadannimo
Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre oo qaabilay wafdi ka socda Dowladda Turkiga: Muqdisho
Turkiga oo gargaar bani’aadamnimo u diray Suuriya xilli ay weerarro ka wadaan YPG
Madaxweynaha Nigeria Tinubu oo booqasho ku tagaya Turkiga si loo xoojiyo xiriirka laba geesoodka ah
Joogitaanka Ciidamada Badda Turkiga ee Gacanka Cadmeed oo loo kordhiyay hal sano oo kale