Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ahna ku-simaha Madaxweynaha Soomaaliya, ayaa daahfuray xus heer sare ah oo lagu qabtay Muqdisho, laguna maamuusay Maalinta Caalamiga ah ee Duulista Hawada.
Munaasabadda ayaa lagu soo bandhigay guulaha muhiimka ah ee Soomaaliya ka gaartay soo celinta iyo maareynta maamulka hawadeeda. Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa uga mahadceliyay hoggaanka iyo shaqaalaha Hay’adda Duulista Hawada Soomaaliyeed (SCAA) iyo Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada dadaalka ay ku bixiyeen sidii dib loogu hanan lahaa maamulka buuxa ee hawada dalka.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa khudbaddiisa ku ammaanay khubarada iyo injineerada Soomaaliyeed ee maanta maamula hawada Soomaaliya, isagoo ku xusay xirfadooda farsamo iyo waddaninimadooda. Wuxuu ku boorriyay hoggaanka Wasaaradda iyo Hay’adda inay mudnaanta siiyaan horumarinta aqoonta shaqaalaha, gaar ahaan tababarka joogtada ah, si hay’addu ula jaanqaaddo heerarka caalamiga ah.
Dhanka kale, Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada XFS Mudane Maxamed Faarax Nuux ayaa tilmaamay in Soomaaliya ay ku tillaabsatay guulo muhiim ah ka dib la soo wareegiddii maamulka hawada. Wasiirka ayaa sheegay in ay haddana ku guda jiraan dib u soo celinta diyaaraddii qaranka Soomaaliyeed iyadoo la dhameystiray dhisidda maamulkii shirkadda Somali Airlines.
Munaasabadda waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin dowladeed, khubaro ku takhasustay duulista, iyo wakiillo caalami ah, kuwaas oo dhamaantood muujiyay taageero iyo qadarin ku aaddan horumarka muhiimka ah ee Soomaaliya ka samaysay waaxda duulista hawada.



















