Wasiirkii hore ee Dowladda Soomaaliya, Dr. Maryan Qaasim Axmed, ayaa Arbacadii loo doortay Guddoomiyaha Guddiga Madaxabannaan ee Xuquuqul Insaanka Soomaaliya, waana markii ugu horreysay taariikhda dalka ee la yagleelo hay'ad noocan oo kale ah, taas oo astaan u ah tallaabo weyn oo loo qaaday dhanka lahaanshaha qaran ee kormeerka xuquuqul insaanka.
Doorashada oo ka dhacday kulan ay Guddigu ku yeesheen magaalada Muqdisho, ayaa dhammaystirtay wajigii ugu dambeeyay ee dhismaha hay'addan, taas oo loo igmaday inay diiwaangeliso xadgudubyada xuquuqda aadanaha, taageerto dhibbanayaasha, islamarkaana dowladda kala taliso maamul ku dhisan dhowrista xuquuqda.
Dr. Maryan, oo ku dhalatay Baardheere sannadkii 1959-kii, waa dhakhtarad iyo mas'uul rug-caddaa ah oo leh khibrad tobanaan sano ah oo ku aaddan caafimaadka, gargaarka bini'aadanimo, iyo maamulka dowladda.
Waxay waxbarashadeeda caafimaadka iyo qalliinka ku soo qaadatay Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, iyadoo markii dambe waxbarasho sare u aadday dalalka Jarmalka iyo Netherlands, waxayna shahaadada Master-ka ee Caafimaadka Dadweynaha (Public Health) ka qaadatay Jaamacadda Warwick ee dalka Ingiriiska.
Dr. Maryan ayaa horey u soo qabatay xilal Wasiirnimo oo sarsare, oo ay ku jiraan Wasaaradaha Haweenka iyo Arrimaha Qoyska iyo Horumarinta Bulshada, iyadoo sidoo kale si dhow ula soo shaqeysay hay'adaha caalamiga ah.
Dhismaha guddigan ayaa ka dambeeyay kadib markii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu horraantii bishii December 2025 saxiixay sharciga dhisaya Guddiga Qaran ee Xuquuqul Insaanka, taas oo ahayd guul laga gaaray geeddi-socod isbeddel oo soo socday sannado badan, ujeedkiisuna ahaa in mas'uuliyadda ilaalinta xuquuqda lagu wareejiyo hay'ado qaran.
Sharcigan ayaa la ansixiyay kadib markii Golaha Wasiirrada Soomaaliya ay cod aqlabiyad ah ku meelmariyeen sagaal xubnood oo loo soo xulay Guddiga Madaxabannaan, kuwaas oo ay soo gudbisay Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka.
Tallaabadan ayaa ku soo beegmaysa xilli Soomaaliya ay ku jirto marxalad kala-guur ah oo dhanka qaab-dhismeedka xuquuqda ah. Bishii October 2025, kalfadhigii 60-aad ee Golaha Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay ayaa lagu soo gabagabeeyay, iyadoo halkaas lagu soo afjaray waqtigii Khuburada Madaxabannaan ee Qaramada Midoobay u qaabilsanaa xaaladda Soomaaliya, kadib codsi ka yimid dowladda Soomaaliya oo cuskanaya Qorshaha Kala-guurka ee Xuquuqul Insaanka.
Bilo ka hor, Golaha Wasiirrada oo uu hoggaaminayo Ra'iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa si wadajir ah u taageeray in la soo afjaro hawlgalka kormeerka Qaramada Midoobay, iyagoo ku dooday in hay'adaha qaran ay diyaar u yihiin inay qaataan mas'uuliyadda buuxda ee ilaalinta iyo kormeerka xuquuqda.
Ururrada bulshada rayidka ah ayaa muddo dheer ku baaqayay dhismaha hay'ad qaran oo madaxbannaan, iyagoo sheegay inay xoojin doonto isla-xisaabtanka, hagaajin doonto diiwaangelinta xadgudubyada, isla markaana bixin doonto hannaan waara oo lagu ilaaliyo xuquuqda oo ay hormuud u tahay Soomaaliya.



















