Dowladda Ecuador ayaa si kulul u cambaareysay wax ay ku tilmaamtay "isku day duulaan" oo uu wakiil ka tirsan Hay'adda Socdaalka iyo Kastamka Mareykanka (ICE) ku doonayay inuu gudaha u galo Qunsuliyaddeeda magaalada Minneapolis, xilli ay magaaladaas ka taagan yihiin xiisado ka dhashay hawlgallada socdaalka.
War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Ecuador maalintii Talaadada, ayaa lagu sheegay in dowladda Madaxweyne Daniel Noboa ay warqad cabasho iyo mudaaharaad ah u dirtay Safaaradda Mareykanka ee ku taalla magaalada Quito, taas oo la xiriirta dhacdadan dublamaasiyadeed.
Sida laga soo xigtay Wasaaradda, wakiilka ICE ayaa isku dayay inuu gudaha u galo xarunta Qunsuliyadda, balse shaqaalaha dublamaasiyadeed ayaa ka hor-istaagay tallaabadaas si ay u ilaaliyaan muwaadiniinta u dhashay Ecuador ee xilligaas ku sugnaa gudaha dhismaha, magangalyana u raadsaday.
Sawirro iyo muuqaallo lagu faafiyay baraha bulshada ayaa muujinaya nin wjigiisu qarsoon yahay oo isku dayaya inuu galo dhismaha, xilli sarkaal ka tirsan Qunsuliyadda uu si adag uga digayo inuusan haysan oggolaansho sharci ah oo uu kusoo galo dhulka dublamaasiyadeed.
Ecuador ayaa dalbatay in "falalkan oo kale aan dib dambe loogu arag xafiisyada qunsuliyadaha Ecuador ee ku yaalla Mareykanka."
Magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota ayaa noqotay xuddunta xiisadaha qaran ee ka dhashay hawlgallada adag ee socdaalka ee Madaxweyne Donald Trump.
Rabshadaha iyo banaanbaxyada magaalada ayaa cirka isku shareeray kadib toogashada laba qof oo Mareykan ah oo ay dileen wakiillada socdaalka bishan gudaheed, oo uu ku jiro nin la dilay Sabtidii lasoo dhaafay isagoo dhulka yaalla oo ay hayaan ciidamo waji-xiran.
Xaaladda ayaa waxaa sii huriyay sawirro todobaadkii hore qabsaday baraha bulshada, kuwaas oo muujinayay wiil yar oo 5-sano jir ah oo u dhashay Ecuador, kaas oo uu si argagax leh u kaxeynayo wakiilka socdaalka oo haysta boorsadiisa dhabarka.
Talaadadii, Madaxweyne Trump ayaa sheegay inuu "xoogaa yareyn doono xiisadda", kadib dhacdooyinka dhimashada dhaliyay, balse weli jawiga magaalada ayaa ah mid kacsan.

















