| Somali
CAALAMKA
1 daqiiqo akhris
Guddiyada Farsamo ee Dowladda Federaalka iyo Mucaaradka oo Muqdisho ku yeeshay kulankoodii koowaad
Wadahadalladan ayaa sii socon doona, waxaana qaybta labaad ee kulanka guddiga farsamada la qorsheeyay inuu dhaco 29-ka Janaayo, 2026.
Guddiyada Farsamo ee Dowladda Federaalka iyo Mucaaradka oo Muqdisho ku yeeshay kulankoodii koowaad
Guddiyada Farsamo ee Dowladda Federaalka iyo Mucaaradka oo yeeshay kulankoodii koowaad / User Upload
29 Janaayo 2026

Guddiyada farsamo ee matalaya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Golaha Mustaqbalka ayaa maalintii Arbacada kulankoodii ugu horreeyay ee rasmi ah ku yeeshay magaalada Muqdisho. Kulankan horudhaca ah ayaa loo arkaa tallaabo weyn oo loo qaaday dhanka xallinta khilaafaadka siyaasadeed iyo in laga heshiiyo nidaamka doorasho ee uu dalku qaadanayo.

Kulanka ayaa ku bilowday jawi is-faham iyo iskaashi ku dheehan yahay, iyadoo labada dhinacba ay muujiyeen inay diyaar u yihiin ka doodista arrimaha masiiriga ah ee dalka. Kulankan ayaa gogol-xaar u ah wadatashiga guud ee dhexmari doona dowladda iyo mucaaradka, kaas oo looga hadlayo hannaanka doorasho ee loo dhanyahay.

Wadahadalladan ayaa sii socon doona, waxaana qaybta labaad ee kulanka guddiga farsamada la qorsheeyay inuu dhaco 29-ka Janaayo, 2026. Tallaabadan ayaa hordhac u ah Shirka Wadatashiga Qaranka oo si rasmi ah u furmi doona 1-da bisha Febraayo. Shirkaas heerka sare ah ayaa loogu talagalay in lagu isu keeno madaxda qaranka iyo xubnaha mucaaradka si loo gaaro is-afgarad buuxa oo ku saabsan mustaqbalka dimuqraadiyadda dalka Soomaaliya.

XIGASHO:SONNA