| Somali
CAALAMKA
2 daqiiqo akhris
Soomaaliya oo markii ugu horreysay loo doortay Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika
Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in ku guuleysiga kursigan uu ka tarjumayo dib-u-soo laabashada galgalka Soomaaliya ee diblomaasiyadda qaaradda, kaddib tobannaan sano oo colaado iyo xasillooni darro siyaasadeed ah.
Soomaaliya oo markii ugu horreysay loo doortay Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cabdisalan Dhaay, oo ku sugnaa xarunta dhexe ee Midowga Afrika ee Addis Ababa, xilligii codbixinta. / Others
Waxaa qoray Nuri Aden
 

Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay loo doortay Golaha Nabadda iyo Amniga (PSC) ee Midowga Afrika tan iyo markii la aasaasay hay’addan sannadkii 2004, arrin ay mas’uuliyiintu ku tilmaameen tallaabo taariikhi ah oo ka tarjumeysa dib-u-soo laabashada galgalka Soomaaliya ee diblomaasiyadda qaaradda.

Soomaaliya ayaa ka mid noqon doonta golaha oo ka kooban 15 dal muddada u dhexeysa 2026–2028, kaddib codbixin Arbacadii ka dhacday Addis Ababa, kahor Shir-madaxeedka 39-aad ee Midowga Afrika.

Golaha Nabadda iyo Amniga ayaa u xilsaaran ka hortagga, maaraynta iyo xallinta khilaafaadka ka dhex dhaca dalalka Afrika.

“Kalsoonida iyo taageerada ay Soomaaliya ka heshay dalalka xubnaha ka ah Midowga Afrika waxay ka tarjumayaan isbeddelka togan ee dalka ka socda iyo ruuxda iskaashiga ee sii xoogeysanaya. Hore waxaan uga mid ahayn Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay; maanta waxaan kursi ku leennahay Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika,” ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Sannado dib-u-dhis ah

Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday musharaxnimadeeda kursiga golaha bishii Janaayo 2025, iyadoo bilowday olole diblomaasiyadeed oo ay ku doonayso taageerada dalalka xubnaha ka ah ururka. Doorashadeedu waxay ku timid kaddib sanado dadaallo ah oo ay ku dhisaysay hay’adaha dowladda kuna xoojinaysay doorkeeda arrimaha gobolka iyo qaaradda.

Wasiirka Arrimaha Dibadda, Cabdisalaam Dhaay, ayaa Soomaaliya u matalay kulan wasiirrada arrimaha dibadda ay ku falanqeeyeen dib-u-habaynta hay’adaha, iskaashiga iyo mudnaanta istiraatiijiyadeed kahor shir-madaxeedka.

“Doorashadan waxay muujinaysaa kalsoonida ay Soomaaliya ka heshay dalalka kale ee xubnaha ka ah Midowga Afrika. Soomaaliya waxay u mahadcelinaysaa dhammaan dalalkii taageeray musharaxnimadeeda, iyadoo si gaar ah u bogaadineysa midnimada iyo wadajirka ay muujiyeen dalalka gobolka Bariga Afrika,” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda.

Wasaaraddu waxay sheegtay in Soomaaliya ay weli ka go’an tahay midnimada Afrika iyo xoojinta hannaanada amniga wadajirka ah.

Diblomaasiyadda qaaradda

Soomaaliya waa dal xubin aasaase ka ah ururkii ka horreeyay Midowga Afrika ee loo yaqaanay Ururka Midoobidda Afrika (OAU), waxayna Muqdisho martigelisay Shir-madaxeedkii 11-aad ee OAU bishii Juun 1974.

Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in kursiga Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika uu ka tarjumayo dib-u-soo laabashada galgalka Soomaaliya ee diblomaasiyadda qaaradda, kaddib tobannaan sano oo colaado iyo xasillooni darro siyaasadeed ah.

Midowga Afrika ayaa in ka badan 17 sano Soomaaliya ka wada howlgal nabad ilaalineed, kaas oo ka caawinayay dowladda federaalka la-dagaallanka argagixisada iyo dadaallada lagu xasilinayo dalka.

XIGASHO:TRT Afrika
Raadi Warar Kale
Soomaaliya oo safiirka Imaaraadka ku amartay inuu dalka kaga baxo 72 saacadood gudahood
Maxkamad ku Taalla Suudaan oo Xukun Dil ah ku Ridday Hoggaamiyaha RSF, Xemedti, iyo 13 Qof oo Kale
Safiirka Soomaaliya ee Sacuudiga oo La Kulmay Duqa Magaalada Riyaad si ay uga Wada Hadlaan Iskaashig
Madaxweyne Xasan Sheekh oo Xarigga ka Jaray Waddada Jamhuuriya ee Muqdisho
Soomaaliya oo Soo Dhaweysay Dhaqan-galka Heshiiskii IGAD ee 2023
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo ka digay faragelin shisheeye
Soomaaliya oo Shirweynaha COP31 ku Daahfurtay Qorshe-Hawleedka MRV ee Warbixinnada Cimilada
Soomaaliya oo soo dhaweysay go’aanka Maraykanka ee cusbooneysiinta taageerada hawlgallada amniga
Soomaaliya iyo Hindiya oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Xiriirka Labada Dal
Guddoomiyaha SoDMA oo COP31 ku Iftiimiyay Barakaca Cimilada iyo Adkeysiga Bulshooyinka
Safiirka Turkiga ee Soomaaliya oo la kulmay Ra’iisul Wasaarihii hore Rooble
Ciidamada Uganda oo shan saldhig oo ku yaalla Baraawe ku wareejiyay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya
Ciidanka Suudaan oo La Wareegay Saddex Deegaan oo ku Yaalla Galbeedka Kordofan: Ilo Milatari
SoDMA oo Shirweynaha COP31 ku Qabatay Kulan ku Saabsan U Diyaargarowga El Niño ee 2026–2027
Wasiirka Deegaanka oo COP31 ku Muujiyay Muhiimadda Waxbarashada Cimilada ee Qorshaha Qaranka
Kenya oo Xasan Cumar Daffa u magacowday Qaadiga Guud ee dalka
Wasiirka cusub ee Gaashaandhigga Jabuuti oo kulankiisii ugu horreeyay la yeeshay hoggaanka ciidamada
Kenya oo casriyeysay xarunteeda la dagaallanka argagixisada
Soomaaliya iyo Jabuuti oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo tababarka diblumaasiyiinta
Soomaaliya oo Markii Ugu Horreysay Martigelisay Shirka Xoghayeyaasha Joogtada ah ee IGAD-CEWARN