| Somali
SIYAASADDA
1 daqiiqo akhris
Baarlamaanka Soomaaliya oo Xisaab-xirka 2025 iyo Miisaaniyadda 2027 u Gudbiyay Akhrinta Saddexaad
Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa akhrinta labaad marsiiyay xisaab-xirka maaliyadeed ee sannadka 2025 iyo Hindise-Sharciyeedka Miisaaniyadda Dowladda Federaalka ee 2027, iyagoo u gudbiyay diyaarinta akhrinta saddexaad.
Baarlamaanka Soomaaliya oo Xisaab-xirka 2025 iyo Miisaaniyadda 2027 u Gudbiyay Akhrinta Saddexaad
Baarlamaanka Soomaaliya oo Xisaab-xirka 2025 iyo Miisaaniyadda 2027 u Gudbiyay Akhrinta Saddexaad / SONNA
 

Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Isniintii xarunta Golaha Shacabka ku yeeshay kulankoodii saddexaad ee kalfadhiga siddeedaad, kaas oo ahaa kulan wadajir ah oo uu shir-guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac).

Guddoomiyaha ayaa waxaa kulanka ku wehliyay Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka, Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar, iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Aqalka Sare, Cabdullaahi Xirsi Timacadde.

Ajandaha kulanka ayaa diiradda lagu saaray akhrinta labaad ee xisaab-xirka maaliyadeed ee sannad-miisaaniyadeedka 2025 iyo Hindise-Sharciyeedka Miisaaniyadda Dowladda Federaalka ee 2027, oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Maaliyadda. Guddiyada Maaliyadda ee labada Aqal ayaa xildhibaannada u soo bandhigay labada warbixin.

Xildhibaannada Baarlamaanka ayaa intaas kadib su’aalo la xiriira xisaab-xirka maaliyadeed ee 2025 iyo miisaaniyadda la soo jeediyay ee 2027 weydiiyay Wasiirka Maaliyadda, Biixi Iimaan Cige, iyo Guddiyada Maaliyadda ee labada Aqal. Wasiirka iyo xubnaha guddiyada ayaa jawaabo faahfaahsan ka bixiyay su’aalihii la weydiiyay.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Cabdulqaadir Maxamed Nuur, oo soo xiray kulanka, ayaa ku dhawaaqay in labada warbixin ay ka gudbeen akhrinta labaad. Wuxuu Guddiyada Maaliyadda ee labada Aqal faray inay diyaariyaan akhrinta saddexaad, iyagoo ku daraya talooyinka iyo aragtiyaha ay soo jeediyeen xildhibaannada Baarlamaanka.

XIGASHO:SONNA