Kenya ayaa isbahaysi shirkado Mareykan ah u xulatay horumarinta keyd weyn oo macdanta dhifka ah laga helo, sida ay Khamiistii sheegtay Wasaaradda Macdanta ee dalkaas, xilli Washington ay dooneyso inay kordhiso helitaanka macdanta muhiimka ah isla markaana ay yareyso ku-tiirsanaanta Shiinaha.
Isbahaysiga Frontier Minerals Consortium, oo ka kooban shirkadaha Frontier Minerals LLC, Bunker Hill Mining Corp., ReElement Technologies iyo American Resources Corporation, ayaa loo aqoonsaday inuu ku guuleystay tartankii loogu jiray mashruuca Mrima Hill ee gobolka Kwale, oo ku yaalla xeebaha Kenya.
Keydkan ayaa ka kooban curiyeyaasha macdanta dhifka ah iyo macdanta niobium, kuwaas oo loo adeegsado soo saarista qalabka hawada sare, gawaarida korontada ku shaqeeya, qalabka elektaroonigga ah iyo teknoolojiyadda difaaca.
Go’aankan ayaa ku soo beegmaya xilli maamulka Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu doonayo inuu kordhiyo helitaanka macdanta istaraatiijiga ah ee Afrika, halkaas oo Washington ay kula tartameyso Beijing kheyraadka muhiimka u ah silsiladaha sahayda caalamiga ah.
Wasaaradda Macdanta ee Kenya ayaa sheegtay in laba mashruuc oo kale, oo kala ah macdanta chromite ee gobolka Samburu iyo macdanta naxaasta ee gobolka Tharaka Nithi, lagu wareejiyay iskaashi ganacsi oo ay wada leeyihiin shirkadaha Shiinaha ee Fangda Special Steel Technology iyo Sinohydro Corporation.
Wasaaradda ayaa sheegtay in tartannadii loo qabtay keydadka macdanta manganese iyo coltan aysan soo jiidan dalabyo buuxiyay shuruudihii looga baahnaa.
Dowladda ayaa sheegtay in hannaanka xulashada lagu qiimeeyay awoodda dhaqaale ee maalgashadayaasha, khibraddooda farsamo iyo ballanqaadyadooda ku aaddan ilaalinta deegaanka iyo farsameynta macdanta gudaha dalka.
"Ballanqaadkeennii bilowgii wuxuu ahaa inaan xaqiijinno in Kenya ay soo jiidato oo keliya saaxiibbo heer caalami ah, leh karti farsamo iyo awood dhaqaale oo adag, isla markaana nala wadaaga aragtideenna ku aaddan kordhinta qiimaha macdanta gudaha dalka, ilaalinta deegaanka iyo barwaaqo la wadaago," ayay wasaaraddu sheegtay.
Si kastaba ha ahaatee, wasaaraddu waxay carrabka ku adkeysay in ku guuleysiga mashaariicdan uusan oggolaansho u ahayn in si degdeg ah loo bilaabo howlaha macdan-qodista.
Shirkadaha ku guuleystay tartanka ayaa marka hore looga baahan yahay inay helaan oggolaanshaha bulshooyinka deegaanka, buuxiyaan shuruudaha sharciyeed iyo kuwa hay’adaha nidaaminta, isla markaana ay helaan ruqsadaha sharciga ah ka hor inta aysan bilaabin howlaha sahaminta macdanta.
Kenya ayaa dooneysa inay soo jiidato maalgashi caalami ah oo lagu sameeyo kheyraadkeeda macdanta, iyadoo isla markaana ballaarineysa farsameynta macdanta gudaha dalka, isla markaana xaqiijineysa in bulshooyinka deegaanka ay ka faa’iideystaan mashaariicda macdan-qodista.















