| Somali
CAALAMKA
1 daqiiqo akhris
Soomaaliya iyo Aljeeriya oo ka wada hadlay horumarinta xirfadaha iyo shaqo-abuurka dhallinyarada
Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya, Prof. Salim Alio Ibro, ayaa la kulmay dhiggiisa Aljeeriya, Nassima Arhab, iyagoo ka wada hadlay horumarinta xirfadaha, tayeynta tababarrada farsamada iyo shaqo-abuurka dhallinyarada.
Soomaaliya iyo Aljeeriya oo ka wada hadlay horumarinta xirfadaha iyo shaqo-abuurka dhallinyarada
Soomaaliya iyo Aljeeriya oo ka wada hadlay horumarinta xirfadaha iyo shaqo-abuurka dhallinyarada / SONNA
 

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Prof. Salim Alio Ibro, ayaa kulan gaar ah la yeeshay Wasiirka Tababarka iyo Waxbarashada Farsamada Gacanta ee dalka Aljeeriya, Nassima Arhab, iyagoo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal ee dhinacyada horumarinta xirfadaha iyo shaqo-abuurka.

Kulanka ayaa qabsoomay intii uu socday Madasha Siyaasadaha Afrika ee Xirfadaha (African Skills Policy Forum), oo ay ka qayb galayaan wasiirro iyo mas’uuliyiin ka kala socda dalalka Afrika. Wadahadallada labada wasiir ayaa diiradda lagu saaray tayeynta waxbarashada farsamada gacanta, horumarinta barnaamijyada tababarrada xirfadeed iyo is-dhaafsiga aqoonta iyo khibradaha labada dal.

Sidoo kale, labada dhinac ayaa isla soo qaaday muhiimadda ay leedahay in la kobciyo xirfadaha iyo tayada shaqaalaha, lana waafajiyo tababarrada xirfadeed baahiyaha suuqa shaqada, si loo ballaariyo fursadaha shaqo-abuurka, gaar ahaan kuwa dhallinyarada.

Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku xoojinayso xiriirka iyo iskaashiga caalamiga ah, iyadoo mudnaan siinaysa horumarinta awoodda shaqaalaha, kor u qaadista xirfadaha farsamada gacanta iyo abuurista fursado shaqo oo ay ka faa’iidaystaan dhallinyarada Soomaaliyeed.

XIGASHO:SONNA