| Somali
CAALAMKA
2 daqiiqo akhris
Suudaan oo bilowday olole 50 maalmood ah oo lagu nadiifinayo caasimadda Khartuum
Ra’iisul Wasaaraha ayaa ololaha ka daahfuray deegaanka Jabra ee koonfurta Khartuum, isagoo kormeer ku tagay toddobada degmo ee gobolka, kana qaybqaatay hawlaha nadaafadda iyo dhir-beerista.
Suudaan oo bilowday olole 50 maalmood ah oo lagu nadiifinayo caasimadda Khartuum
Suudaan oo bilowday olole 50 maalmood ah oo lagu nadiifinayo caasimadda Khartuum / Others
 

Ra’iisul Wasaaraha Suudaan, Kaamil Idriis, ayaa magaalada Khartuum ka daahfuray olole ballaaran oo lagu nadiifinayo laguna qurxinayo caasimadda, iyadoo dalka uu wajahayo xaalado adag oo ka dhashay colaadda daba dheeraatay.

Ololahan oo halku-dhiggiisu yahay “Khartuum: Caasimad nadiif ah oo cagaaran” ayaa socon doona 50 maalmood, wuxuuna ka koobnaan doonaa nadaafadda waddooyinka, beerista dhirta, hagaajinta nalalka, dayactirka waddooyinka iyo buufinta goobaha ay ku tarmaan cayayaanka cudurrada faafiya.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ololaha ka daahfuray deegaanka Jabra ee koonfurta Khartuum, isagoo kormeer ku tagay toddobada degmo ee gobolka, kana qaybqaatay hawlaha nadaafadda iyo dhir-beerista.

Kaamil Idriis ayaa ammaanay shaqaalaha nadaafadda, wuxuuna ku dhawaaqay in dowladdu ay shaqaale kasta oo nadaafadeed oo ka hawlgala gobolka Khartuum siin doonto gunno u dhiganta mushahar bil dheeraad ah, si loogu abaalmariyo dadaalkooda.

Guddoomiyaha Gobolka Khartuum, Axmed Cusmaan Xamza, ayaa sheegay in ololuhu uu ka socon doono dhammaan toddobada degmo ee gobolka, iyadoo la doonayo in caasimaddu ay sannadka 2027 ku soo gasho muuqaal nadiif ah oo qurux badan.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale faray wasaaradaha iyo hay’adaha dowladda inay bilaabaan nadiifinta xarumahooda, isagoo ku baaqay in ololahan laga hirgeliyo gobollada kale ee Suudaan.

Sida ay ku warrantay wakaaladda wararka Suudaan ee SUNA, dowladda ayaa sheegtay in ololahani aanu ku koobnaan doonin nadaafadda oo keliya, balse uu qayb ka yahay dadaallada dib loogu dhisayo laguna horumarinayo caasimadda Khartuum.

XIGASHO:TRT Afrika and agencies