Kumanaan Soomaali ah ayaa Talaadadii isugu soo baxay waddooyinka magaalooyin kala duwan oo dalka ah si ay uga mudaaharaadaan aqoonsiga Israa’iil ay siisay Somaliland, oo ah gobol iskiis uga go’ay waqooyiga Soomaaliya, iyadoo bannaanbaxayaashu ku tilmaameen tallaabadaas mid xadgudub ku ah madaxbannaanida dalka.
Magaalada Baydhabo ee Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed, kumanaan qof ayaa ka mudaaharaaday aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland, iyagoo ku tilmaamay mid ku xadgudbaya madaxbannaanida Soomaaliya. Bannaanbaxayaashu waxay lulayeen calanka Soomaaliya, waxayna ku dhawaaqayeen hal-ku-dhigyo ka dhan ah Israa’iil.
Mudaharaadyo ayaa sidoo kale ka dhacay Hobyo oo ka tirsan gobolka Mudug ee bartamaha dalka, halkaas oo kumanaan qof ay socod ku mareen si ay u cambaareeyaan aqoonsiga, iyagoo ku tilmaamay mid khatar ku ah midnimada dhuleed ee Soomaaliya.
Magaalada Xudur, caasimadda gobolka Bakool, ka qaybgalayaasha bannaanbaxa ayaa ku tilmaamay tallaabada Israa’iil faragelin cad oo lagu sameeyey madaxbannaanida iyo qarannimada Soomaaliya.
Dadweyne isugu soo baxay Guriceel, Dowlad-goboleedka Galmudug, ayaa watay boorar ay ku diidan yihiin aqoonsiga, halka bannaanbaxayaal ku sugnaa Laascaanood, caasimadda Dawlad-goboleedka Waqooyi-Bari, ay sidoo kale si la mid ah sameeyeen mudaharaadyo ballaaran.
Mudaharaadyo ka dhacay caasimadda
Guud ahaan dalka, ka qaybgalayaashu waxay wateen boorar, waxay ku dhawaaqayeen hal-ku-dhigyo ku baaqaya midnimo qaran, waxayna ugu baaqayeen beesha caalamka inay dhowrto midnimada Soomaaliya.
Bannaanbaxayaashu waxay sheegeen in aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland uu jebinayo sharciga caalamiga ah, waxayna dalbadeen in dib looga noqdo.
Boqolaal qof ayaa sidoo kale isugu soo baxay mudaharaad ballaaran oo ka dhacay caasimadda Soomaaliya, Muqdisho, si ay uga dhiidhiyaan aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland.
Dad kala duwan oo ay ku jireen culimo, odayaal dhaqameed, abwaanno, iyo arday xiran dareyska iskuulka ayaa ka qayb qaatay bannaanbax ka dhacay Garoonka Muqdisho.
Ka go’naanshaha midnimada Soomaaliya
Sheekh Shaafi, oo ah caalim diimeed, ayaa sheegay in Soomaaliya ay wajahaysay caqabado waaweyn ku dhowaad 40 sano, wuxuuna Israa’iil ku tilmaamay “dhibaatada ugu weyn ee maanta na haysata,” isagoo ku eedeeyey Tel Aviv inay wiiqayso midnimada Soomaaliya, isla markaana tixraacay sida ay ula dhaqanto Falastiiniyiinta.
Wuxuu intaas ku daray in tallaabada Israa’iil, iyadoo weliba sharciyaddeeda la isku hayo, ay “si cad u muujinayso dulmiga Israa’iil.”
Sheekh Maxamuud Bari, oo ka mid ahaa dadkii isugu yimid Garoonka Muqdisho, ayaa sheegay in bannaanbaxayaashu ay isugu yimaadeen si ay u muujiyaan sida ay uga go’an tahay midnimada Soomaaliya, isagoo yiri: “Suurtagal ma aha inaan oggolaanno in Israa’iil ay joogitaan ku yeelato dhulka Soomaaliya. Maanta waan ognahay waxa ay ku sameyneyso walaalaheen Falastiiniyiinta ah.”
Abwaanka Soomaaliyeed ee Abwaan Guure ayaa isna cambaareeyey Israa’iil, isagoo yiri: “Dhulkan waa dhulkeenna, mana oggolaanayno in nalaga qaado. Waxaan aragnaa in Israa’iil ay mowqif cadawtinimo ka qaadanayso dunida Islaamka.”
Cambaareyn ballaaran
“Ma doonayno in dalkeenna la kala qaybiyo. Waxaan rabnaa in Koonfurta iyo Waqooyigu ay ku wada noolaadaan nabad iyo walaaltinimo,” ayuu yiri Nabaddoon Xaad.
Israa’iil ayaa noqotay dalkii ugu horreeyey ee caalamka ee u aqoonsada Somaliland inay tahay dal madax-bannaan, tallaabadaas oo dhalisay cambaareyn ka timid Turkiga, oo saaxiib dhow la ah Soomaaliya iyo sidoo kale dalal ku yaalla Afrika iyo Bariga Dhexe, iyo kuwo kale.
Falcelinta caalamiga ah ayaa sii kordhaysa kaddib aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland, iyadoo dalal badan ay cambaareeyeen tallaabadaas oo ay ku tilmaameen mid jebinaysa sharciga caalamiga ah isla markaana khatar ku ah xasilloonida gobolka.
Somaliland ayaa si iskeed ah ugu dhawaaqday madaxbannaani sannadkii 1991. Si kastaba ha ahaatee, Muqdisho ma aqoonsana Somaliland inay tahay dal madax-bannaan, waxayna u aragtaa qayb ka mid ah dhulkeeda.




















