| Somali
CAALAMKA
2 daqiiqo akhris
Dhuusamareeb: Dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada oo ku heshiiyay mideynta Qorshaha Tamarta
Shirka waxaa ka soo qaybgalay Wasiirro, Agaasimayaal Guud, iyo lataliyeyaal farsamo oo ka kala socday labada heer ee dowladda
Dhuusamareeb: Dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada oo ku heshiiyay mideynta Qorshaha Tamarta
Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha ee XFS, Xil. Cabdullaahi Bidhaan Warsame / User Upload
15 saacadood ka hor

Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha ee Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Wasaaradaha dhiggeeda ah ee Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah Federaalka, ayaa maanta magaalada Dhuusamareeb ku soo gabagabeeyay shir heerkiisu sarreeyo oo socday muddo laba maalmood ah (31-kii Janaayo ilaa 1-da Febraayo).

Shirkan oo ay ka soo qaybgaleen Wasiirro, Agaasimayaal Guud, iyo lataliyeyaal farsamo oo ka kala socday labada heer ee dowladda, ayaa lagu tilmaamay guul weyn oo laga gaaray dadaallada lagu xoojinayo maamulka kheyraadka biyaha iyo tamarta, horumarinta adeegyada bulshada, iyo u adkeysiga isbeddelka cimilada.

Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha ee Xukuumadda Federaalka, Xil. Cabdullaahi Bidhaan Warsame, oo furay shirka, ayaa hoosta ka xarriiqay in kulankani uu astaan u yahay tallaabo muhiim ah oo loo qaaday dhanka is-waafajinta qorshayaasha, abaabulka maalgashiga, iyo in istaraatiijiyadaha qaran loo beddelo natiijooyin la taaban karo oo nolosha bulshada wax ka tara.

"Waa inaan xoogga saarnaa iskaashiga iyo mideynta dadaallada heerarka kala duwan ee qaybaha biyaha iyo korontada dalka," ayuu yiri Wasiir Bidhaan.

Qodobbada ugu culus ee diiradda la saaray waxaa ka mid ahaa xaaladda bini'aadanimo ee ka dhalatay abaaraha, iyadoo la go’aamiyay in Wasaaradaha Tamarta iyo Biyaha ee heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed ay si wadajir ah isugu geeyaan awoodooda iyo kheyraadkooda si loogu gurmado deegaannada ay abaaruhu ragaadiyeen.

Waxaa si gaar ah mudnaanta koowaad la siinayaa goobaha ay ceelashu gureen iyo dhulka ay ka jirto biyo la’aanta baahsan, iyadoo isla markaasna baaq guud loo diray dhammaan hay’adaha dowladda iyo kuwa samafalka ah ee aan dowliga ahayn si ay uga qayb qaataan badbaadinta dadka tabaaleysan.

Dhinaca kale, waxaa dood adag laga yeeshay doorka shirkadaha gaarka loo leeyahay, iyadoo la qiray kaalinta lama huraanka ah ee ay ku leeyihiin fidinta iyo ballaarinta adeegyada biyaha iyo korontada. Si adeegyadaas loo tayeeyo loona hagaajiyo, waxaa la isla qaatay go’aan masiiri ah oo ah in la xoojiyo, lana mideeyo nidaamka sharci ee lagu maamulo shirkadahaas iyo hay’adaha adeegga bixiya.

Tallaabadaas ayaa looga gol leeyahay in la xaqiijiyo in muwaadiniinta Soomaaliyeed, meel kasta oo ay dalka ka joogaan, ay helaan adeeg tayo leh, la isku halleyn karo, isla markaana si siman u wada gaara dhammaan gobollada dalka.

Gunaanadkii, madaxda heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed waxay xaqiijiyeen in ay ka go'an tahay wada-shaqeyn joogto ah si loo gaarsiiyo dalka oo dhan adeegyo koronto iyo biyo oo la awoodi karo, la isku halleyn karo, isla markaana taageeraya kobaca dhaqaale ee Soomaaliya.

XIGASHO:TRT SOMALI