Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa si rasmi ah u dhagax-dhigay dhismaha xarun cusub oo dhexe oo ay yeelan doonto Wasaaradda Maaliyadda. Xaruntan casriga ah ayaa beddeli doonta dhismaha hore oo la dhisay sannadkii 1980, waxaana loogu talagalay inay daboolto baahiyaha sii kordhaya iyo waajibaadka Wasaaradda.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in mashruucan uu qeyb ka yahay siyaasadda Dowladda DanQaran ee lagu horumarinayo kaabeyaasha dhaqaalaha dalka laguna xoojinayo hay’adaha dowladda. Wuxuu xusay in dhismaha cusub uu si weyn u wanaajin doono adeegyada ay Wasaaraddu u fidiso shacabka Soomaaliyeed, isla markaana uu wax ka tari doono caqabadihii muddada dheer ka jiray ee la xiriiray yaraanta xafiisyada iyo goobaha shaqada.
Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa Wasaaradda Maaliyadda ku tilmaamay laf-dhabarta horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya, isagoo bogaadiyay dadaallada Wasiirka Maaliyadda, Mudane Biixi Imaan Cige, iyo shaqaalaha Wasaaradda ee ku aaddan casriyeynta iyo dib-u-habaynta nidaamka dakhliga iyo kaabeyaasha maaliyadeed ee dalka.
“Waxaan ku faraxsanahay in maanta aan dhagax-dhigayno xarun weyn oo si wanaagsan loo qalabeeyay, laguna xaqiijiyay ammaankeeda iyo tayadeeda. Marka la dhammaystiro, dhismuhu wuxuu qaadi doonaa dhammaan hoggaanka iyo shaqaalaha Wasaaradda. Waxaan idiin hambalyeynayaa tallaabadan muhiimka ah ee lagu horumarinayo bixinta adeegyada,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamse.
Wasaaradda Maaliyadda ayaa diyaarisay naqshad dhisme oo casri ah, oo muujinaysa xafiisyo horumarsan, iyadoo la tixgeliyay badbaadada deegaanka iyo helitaanka koronto lagu kalsoonaan karo. Bangiga Horumarinta Afrika ayaa ka qeyb qaadanaya dhismaha xarunta cusub, isagoo door muhiim ah ka qaadanaya taageeridda horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha Soomaaliya.


















