| Somali
CAALAMKA
1 daqiiqo akhris
Soomaaliya iyo Midowga Yurub oo xoojinaya iskaashiga milatari kaddib kulan dhex maray labada dhinac
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray bogaadinta iyo xoojinta iskaashiga milatari ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Midowga Yurub, gaar ahaan dhinacyada tababarka ciidanka, sii wadidda noocyada kala duwan ee taageerada, iyo Howlgalka AUSSOM.
Soomaaliya iyo Midowga Yurub oo xoojinaya iskaashiga milatari kaddib kulan dhex maray labada dhinac
Soomaaliya iyo Midowga Yurub oo xoojinaya iskaashiga milatari kaddib kulan dhex maray labada dhinac / User Upload
28 Janaayo 2026

Wasiirka Gaashaandhigga Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo ay weheliyaan Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Gaas Odowaa Yuusuf Raage, ayaa Talaadadii kulan la yeeshay Guddoomiyaha Guddiga Milatariga Midowga Yurub, General Seán Clancy, oo booqasho ku jooga Soomaaliya.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray bogaadinta iyo xoojinta iskaashiga milatari ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Midowga Yurub, gaar ahaan dhinacyada tababarka ciidanka, sii wadidda noocyada kala duwan ee taageerada, iyo kor u qaadista awoodda difaaca qaranka iyo Howlgalka AUSSOM.

Kulanka waxaa sidoo kale ka qeyb galay Safiirka Midowga Yurub u fadhiya Soomaaliya, Marwo Francesca Di Mauro, iyo mas’uuliyiin kale oo sare oo ka kala socday labada dhinac.

XIGASHO:SONNA