Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan miro-dhal ah hoygiisa kula qaatay wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Wasiir Ku-xigeenka Gaadiidka iyo Kaabayaasha Dhaqaalaha ee Turkiga, Durmuş Ünüvar.
Kulankan oo ahaa mid heer sare ah, ayaa lagu lafa-guray xoojinta xiriirka istaraatiijiga ah ee labada dal, gaar ahaan iskaashiga dhinacyada horumarinta dekedaha, gaadiidka badda, amniga iyo tamarta.
Sido kale, kulankan oo ahaa mid istaraatiiji ah, waxaa Ra'iisul Wasaaraha ku weheliyay Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee JFS, Cabdulqaadir Maxamed Nuur, halka dhanka wafdiga Turkiga uu qayb ka ahaa Safiirka Turkiga ee Soomaaliya, Danjire Alper Aktaş.
Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa si qoto dheer uga hadlay doorka walaalnimo ee Turkiga, isagoo xusay in Ankara ay tahay saaxiib aan marnaba ka harin Soomaaliya.
Wuxuu si gaar ah u bogaadiyay taageerada joogtada ah ee dowladda iyo shacabka Turkiga, gaar ahaan "Waqtiyadii kala duwanaa ee dowladaha shisheeye ay soo fara-geliyeen midnimada Jamhuuriyadda Soomaaliya," ayuu yiri Ra'iisul Wasaaruhu, isagoo tilmaamaya muhiimadda ay leedahay in la ilaaliyo madaxbannaanida dalka.
Dhinaca kale, Wasiir Ku-xigeenka Gaadiidka Turkiga, Durmuş Ünüvar, ayaa uga mahadceliyay Ra’iisul Wasaaraha soo-dhaweynta diirran. Wuxuu xaqiijiyay in dowladda Turkiga ay ka go’an tahay dardar-gelinta heshiisyada wadajirka ah iyo mashaariicda horumarineed ee kor u qaadaya kobaca dhaqaale iyo ganacsi ee labada dal.
Gabagabadii kulanka, oo uu goobjoog ka ahaa Safiirka Turkiga ee Soomaaliya Danjire Alper Aktaş, ayaa wafdiga Turkigu waxay Ra’iisul Wasaare Xamsa guddoonsiiyeen hadyad qiimo badan oo ay ku xardhan yihiin Aayadaha Qur’aanka Kariimka ah, taas oo astaan u ah xiriirka walaalnimo iyo diimeed ee ka dhexeeya labada shacab.


















