| Somali
CAALAMKA
1 daqiiqo akhris
Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Furay Madal Lagu Falanqeynayo Xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa Muqdisho ka furay madal heer sare ah oo looga hadlayo waa cusub oo u bilowday xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga, iyadoo diiradda lagu saarayo kalsoonidaiyo iskaashiga istaraatiijiga ah.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Furay Madal Lagu Falanqeynayo Xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga
Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Furay Madal Lagu Falanqeynayo Xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga / SONNA

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa si rasmi ah Muqdisho uga furay madal heer sare ah oo halku-dhiggeedu yahay, “Waa Cusub oo u Bilowday Xiriirka Turkiga iyo Soomaaliya: Kalsooni iyo Iskaashi Istaraatiiji ah.”

Shirkan oo ay soo qabanqaabisay Madaxtooyada Jamhuuriyadda Turkiga, Waaxdeeda Isgaarsiinta, ayaa waxaa isugu yimid mas’uuliyiin dawladeed, diblomaasiyiin, aqoonyahanno iyo khubaro si ay uga wadahadlaan jihada mustaqbalka ee xiriirka labada dal.

Guddoomiye Cabdulqaadir ayaa khudbaddiisa diiradda ku saaray saaxiibtinimada qotada dheer ee taariikhiga ah ee ka dhexeysa Muqdisho iyo Ankara, isagoo xiriirka labada dal ku tilmaamay tusaale ku dhisan is-ixtiraam iyo garab istaag dhab ah. Waxa uu sheegay in xiriirka diblomaasiyadeed iyo kan hay’adeed ee labada dal uu si guul leh ugu tallaabsaday iskaashi istaraatiiji ah oo xooggan, kuna dhisan kalsooni iyo ujeeddooyin fog oo ay wadaagaan.

Guddoomiyaha ayaa bogaadiyay taageerada joogtada ah ee Turkigu siiyay Soomaaliya xilliyadii muhiimka ahaa, gaar ahaan maalgashiga dhinacyada amniga, tayeynta hay’adaha iyo horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha. Waxa uu sidoo kale xaqiijiyay sida ay Baarlamaanka Soomaaliya uga go’an tahay horumarinta sharciyada iyo heshiisyada iskaashi ee fududeynaya xoojinta xiriirka iyo horumarka wadajirka ah ee labada dal.

XIGASHO:SONNA