| Somali
CAALAMKA
1 daqiiqo akhris
Madaxweyne Xasan Sheekh oo El-Alamein Kula Kulmay Wafdi Ganacsato Soomaaliyeed ah
MW Xasan Sheekh ayaa El-Alamein kula kulmay wafdi ganacsato Soomaaliyeed ah oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed, Yaasiin Maxamuud Ibar, iyagoo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga dawladda iyo ganacsatada.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo El-Alamein Kula Kulmay Wafdi Ganacsato Soomaaliyeed ah
Madaxweyne Xasan Sheekh oo El-Alamein Kula Kulmay Wafdi Ganacsato Soomaaliyeed ah

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa magaalada El-Alamein ee dalka Masar kula kulmay wafdi ganacsato Soomaaliyeed ah oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed, Yaasiin Maxamuud Ibar.

Kulanka waxaa sidoo kale ka qaybgalay Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya, Danjire Jamaal Maxamed Xasan, iyo Safiirka Soomaaliya u fadhiya Masar, Danjire Cali Cabdi Awaare.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray dadaallada dib-u-habeynta ee ay waddo Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed, caqabadaha guud ee haysta ganacsatada Soomaaliyeed, iyo sidii loo xoojin lahaa iskaashiga iyo wada-shaqeynta u dhexeeya dowladda iyo ganacsatada.

XIGASHO:SONNA