Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa hambalyo iyo mahadnaq u diray dhammaan macallimiinta Soomaaliyeed ee ku sugan gudaha dalka iyo daafaha caalamka, munaasabadda 21-da Nofeembar oo ah Maalinta Macallinka Soomaaliyeed.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in munaasabaddani ay tahay maalin muhiim ah oo lagu aqoonsanayo laguna xusayo dadaalka, dulqaadka iyo naf-hurnimada macallimiinta Soomaaliyeed ay ku bixiyaan barbaarinta jiil aqoon leh, akhlaaq wanaagsan iyo waddaniyad xooggan.
Wuxuu macallimiinta ku tilmaamay iftiinka aqoonta, hagayaasha jiilka soo koraya iyo dhisayaasha mustaqbalka qaranka. Sidoo kale, wuxuu bogaadiyay doorka ay macallimiintu ka qaataan la-dagaallanka jahliga, dhiirrigelinta qiyamka wanaagsan iyo horumarinta bulshada Soomaaliyeed.















