| Somali
CAALAMKA
1 daqiiqo akhris
Guddiga Koonfur Galbeed oo Dib u Eegay Diyaar-garowga El Niño ee Shabeellaha Hoose
Guddiga Wasiirrada ee Diyaar-garowga iyo Ka-jawaabista El Niño ee Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed ayaa hay’adaha samafalka ee ka howlgala gobolka Shabeellaha Hoose kala hadlay diyaar-garowga fatahaadaha la filayo.
Guddiga Koonfur Galbeed oo Dib u Eegay Diyaar-garowga El Niño ee Shabeellaha Hoose
Guddiga Koonfur Galbeed oo Dib u Eegay Diyaar-garowga El Niño ee Shabeellaha Hoose

Guddiga Wasiirrada ee Diyaar-garowga iyo Ka-jawaabista El Niño ee Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed, oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Guddiga ahna Wasiirka Arrimaha Bani’aadannimada ee Koonfur Galbeed, Cabdinaasir Cabdi Caruush, ayaa kulan la yeeshay hay’adaha samafalka ee ka howlgala degmooyinka gobolka Shabeellaha Hoose.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray baahiyaha bani’aadannimo ee hadda jira iyo diyaar-garowga loogu jiro sidii gargaar loo gaarsiin lahaa bulshada haddii ay dhacaan fatahaadaha la filayo.

Ka-qaybgalayaasha ayaa dib u eegay xaaladihii ugu dambeeyay ee El Niño, iyadoo la filayo in roobabku bilaabmaan maalmaha soo socda, isla markaana ay jiraan walaac laga qabo saameynta ay ku yeelan karaan bulshooyinka ku nool hareeraha webiga.

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa ballanqaaday inuu fududeyn doono howlaha hay’adaha samafalka, si loo xoojiyo diyaar-garowga loona xaqiijiyo in gargaar degdeg ah la gaarsiiyo bulshooyinka ay fatahaaduhu saameeyaan.

Kulanka waxaa ka qaybgalay wasiirrada u qaabilsan qorsheynta, haweenka, tamarta iyo biyaha, odayaasha dhaqanka, maamulka gobolka Shabeellaha Hoose iyo isku-duwaha arrimaha bani’aadannimada ee gobolka.

XIGASHO:SONNA