Wafdi heer sare ah oo ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah Federaalka ayaa Isniintii gaaray magaalada Dhuusamareeb, ka hor Shirka Qaran ee Arrimaha Bani’aadannimada oo lagu wado inuu Khamiista ka furmo magaalada.
Wafdiga ayaa waxaa ka mid ah Senator Leyla Ismaaciil Axmed iyo Wasiirka Arrimaha Bani’aadannimada ee Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdinaasir Cabdi Caruush.
Mas’uuliyiinta ayaa waxaa soo dhaweeyay Wasiirka xilka ka sii degaya ee Arrimaha Bani’aadannimada ee Galmudug, Cabdiraxmaan Makaawi. Wafdiga soo gaaray magaalada ayaa qeyb ka ah mas’uuliyiin kale oo badan oo la filayo inay saacadaha soo socda gaaraan Dhuusamareeb, si ay uga qeybgalaan shirka.
Shirkan oo ay soo qabanqaabisay Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa lagu qaban doonaa halku-dhigga: “U Diyaargarowga Masiibooyinka iyo Dhisidda Adkeysiga, Xoojinta Gurmadka Degdegga ah, Sugnaanta Biyaha iyo La-qabsiga Isbeddelka Cimilada ee Soomaaliya.”
Shirka ayaa diiradda lagu saari doonaa xaaladda bani’aadannimo ee Soomaaliya iyo arrimaha mudnaanta leh ee la xiriira u diyaargarowga masiibooyinka, gurmadka degdegga ah, sugnaanta biyaha iyo adkeysiga bulshada ee isbeddelka cimilada.















