| Somali
SIYAASADDA
1 daqiiqo akhris
Soomaaliya oo Daahfurtay Nidaam Casri ah oo Lagu Diiwaangelinayo Laguna Tababarayo Shirkadaha Amniga
Wasiirka Amniga Gudaha ee DFS, Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa si rasmi ah u daahfuray nidaam casri ah oo loogu talagalay diiwaangelinta, maareynta iyo tababarka shirkadaha amniga gaarka loo leeyahay iyo ilaalada amniga.
Soomaaliya oo Daahfurtay Nidaam Casri ah oo Lagu Diiwaangelinayo Laguna Tababarayo Shirkadaha Amniga
Soomaaliya oo Daahfurtay Nidaam Casri ah oo Lagu Diiwaangelinayo Laguna Tababarayo Shirkadaha Amniga / SONNA
 

Wasiirka Amniga Gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa si rasmi ah u daahfuray nidaam casri ah oo loogu talagalay diiwaangelinta, maareynta iyo tababarka shirkadaha amniga gaarka loo leeyahay iyo shaqaalaha ilaalada amniga.

Nidaamkan ayaa diiradda saaraya saddex arrimood oo muhiim ah, kuwaas oo kala ah diiwaangelinta iyo maareynta shirkadaha amniga gaarka loo leeyahay, tababarka iyo horumarinta xirfadaha shaqaalaha amniga, iyo kor u qaadista tayada iyo xirfad-yaqaannimada adeegyada amniga gaarka loo leeyahay.

Daahfurka nidaamkan ayaa qeyb ka ah dadaallada Wasaaradda Amniga Gudaha ee lagu casriyeynayo maamulka shirkadaha amniga gaarka loo leeyahay, lagu horumarinayo adeeg-bixinta, isla markaana lagu xoojinayo hannaanka diiwaangelinta, kormeerka iyo isla-xisaabtanka.

XIGASHO:SONNA