| Somali
CAALAMKA
2 daqiiqo akhris
Trump oo sheegay in horumar laga gaari karo wada hadallada biyo-xireenka ee Masar iyo Itoobiya
Trump ayaa sheegay in biyo-xireenka uu “asal ahaan xanibayo Webiga Nile,” isagoo tilmaamay in uu “eegi doono haddii aan dib ugu soo celin karo” wada hadallada “wadadii saxda ahayd.”
Trump oo sheegay in horumar laga gaari karo wada hadallada biyo-xireenka ee Masar iyo Itoobiya
Trump ayaa sheegay inuu qorsheynayo inuu dhexdhexaadiyo khilaafka u dhexeeya Masar iyo Itoobiya ee ku saabsan biyo-xireenka weyn ee Itoobiya. / Reuters
22 Janaayo 2026

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Arbacadii sheegay in uu rumeysan yahay in horumar laga gaari karo khilaafka u dhexeeya Masar iyo Itoobiya, xilli uu dib u bilaabayo dadaallada lagu xallinayo muranka muddada dheer ka taagnaa Biyo-xireenka Weyn ee Itoobiya (GERD).

Trump ayaa sheegay in biyo-xireenka uu “asal ahaan xanibayo Webiga Nile,” isagoo tilmaamay in uu “eegi doono haddii aan dib ugu soo celin karo” wada hadallada “wadadii saxda ahayd.”

“Waa arrin halis ah. Waxay dhiseen biyo-xireen halka qof uusan helayn biyihii uu xaqa u lahaa, isla markaana uu helayay malaayiin sano, haddana qulqulkii biyaha ayaa si lama filaan ah u xirmay sababo la xiriira biyo-xireen aad u weyn,” ayuu yiri Trump, isagoo martigelinayay Madaxweynaha Masar Abdel Fattah al-Sisi.

“Waxaan u maleynayaa inaan gaari karno wax ku saabsan biyo-xireenka. Biyo-xireenku waa dhibaato weyn. Wax baan ka qaban karnaa,” ayuu ku daray.

Furitaanka biyo-xireenka

Toddobaadkii hore, Trump ayaa soo bandhigay inuu dhex-dhexaadiyo Qaahira iyo Addis Ababa, iyadoo Sisi uu soo dhaweeyay hindisahaas.

Webiga Nile, oo dhererkiisu yahay 6,650 kiiloomitir, waxaa wadaaga 11 dal oo kala ah: Burundi, Rwanda, Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, Kenya, Uganda, Tanzania, Itoobiya, Eritrea, Koonfur Suudaan, Suudaan iyo Masar.

Dowladda Itoobiya ayaa si rasmi ah u daahfurtay Biyo-xireenka Dib-u-curashada Weyn ee Itoobiya ee Webiga Blue Nile 9-kii Sebtembar 2025, kaddib 14 sano oo dhisme ah, mashruuc ay muddo dheer ka biyo diideen dalalka hoose ee Masar iyo Suudaan sababo la xiriira buuxinta iyo howlgelintiisa.

Masar iyo Suudaan ayaa muddo dheer ugu baaqayay Itoobiya in la gaaro heshiis saddex geesood ah oo sharci ahaan waajib ah oo ku saabsan buuxinta iyo howlgalinta biyo-xireenka.

XIGASHO:AA