| Somali
CAALAMKA
1 daqiiqo akhris
Soomaaliya iyo Midowga Afrika oo soo gabagabeeyay wadahadallada wareejinta amniga dalka
Sida ay sheegtay AUSSOM, wadahadallada ayaa diiradda lagu saaray qorshaha wareejinta saldhigyada milateri, baahiyaha ciidamada iyo sidii loo sii wadi lahaa hawlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab inta ay socoto wareejinta mas’uuliyadda amniga.
Soomaaliya iyo Midowga Afrika oo soo gabagabeeyay wadahadallada wareejinta amniga dalka
Soomaaliya iyo Midowga Afrika oo soo gabagabeeyay wadahadallada wareejinta amniga dalka / Others
 

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Midowga Afrika ayaa magaalada Muqdisho ku soo gabagabeeyay shir looga hadlay qorshaha ciidamada Soomaaliyeed si tartiib ah loogu wareejinayo mas’uuliyadda amniga dalka, xilli Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu isku diyaarinayo inuu go’aan ka gaaro mustaqbalka hawlgalka AUSSOM.

Shirkan oo Axaddii la soo xiray ayaa waxaa guddoominayay Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, ahna Madaxa AUSSOM, Danjire El Hadji Ibrahima Diene, iyadoo ay ka qaybgaleen wakiillo ka socday dowladda Soomaaliya, Midowga Afrika, Qaramada Midoobay iyo dalalka ciidamada ku biiriya hawlgalka.

Sida ay sheegtay AUSSOM, wadahadallada ayaa diiradda lagu saaray qorshaha wareejinta saldhigyada milateri, baahiyaha ciidamada iyo sidii loo sii wadi lahaa hawlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab inta ay socoto wareejinta mas’uuliyadda amniga.

Shirkan ayaa daba socday wadahadalladii 19-kii Nofeembar ka dhacay Brussels, oo Soomaaliya iyo Midowga Yurub ay kaga arrinsadeen mustaqbalka taageerada amniga dalka.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa la filayaa inuu bisha Diseembar 2026 ka arrinsado cusbooneysiinta waajibaadka hawlgalka AUSSOM, oo ciidamada Soomaaliyeed ka taageera dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo xoojinta hay’adaha amniga qaranka.