Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Soomaaliya ayaa Talaadadii furay kulan bini’aadantinimo oo heer sare ah oo ka dhacay Muqdisho, kaas oo ay isugu yimaadeen hay’adaha dowladda iyo hay’adaha caalamiga ah si wax looga qabto abaarta sii kordheysa ee ka taagan dalka.
Maxamuud Macallin Cabdulle, Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Soomaaliya (SODMA), ayaa ku baaqay in si degdeg ah loo qaato go’aanno ku saleysan xog iyo caddeyn, si loo badbaadiyo nolosha loona xoojiyo isku-duwidda u dhexeysa hay’adaha dowladda iyo kuwa bini’aadantinimada.
“Waxaan u baahanahay go’aanno degdeg ah oo ku dhisan caddeyn, halkii laga sameyn lahaa qorshayaal guud, si loo ilaaliyo bulshooyinka nugul loogana hortago in dhibaatadani sii xumaato,” ayuu yiri Guddoomiye Macallin, isagoo carrabka ku adkeeyay in natiijooyinka ka soo baxa kulanka ay si toos ah u saameyn doonaan dadaallada yareynta abaarta iyo badbaadinta nolosha dadka Soomaaliyeed.
Doodaha ayaa diiradda lagu saaray aqoonsiga goobaha ugu khatarta badan ee wajahaya xaaladaha Degdegga ah (Heerka 4-aad ee IPC), dejinta qorshe jawaab-celin degdeg ah oo kharashkiisa la qeexay isla markaana leh doorar iyo masuuliyado cad, iyo xoojinta faragelinnada socda si looga hortago in xaaladdu kasii darto. Kulankan ayaa imanaya kaddib xilli roobaadkii Oktoobar illaa Diseembar ee ugu qallalayaa taariikhda la diiwaangeliyay, oo ay sabab u ahaayeen xaaladaha La Niña, taas oo saameysay qiyaastii 4.61 milyan oo qof oo ku nool guud ahaan dalka.
Dhibaatada ayaa sidoo kale sii murugsanaysa sababo la xiriira yaraanta maalgelinta, iyadoo Qorshaha Baahiyaha iyo Jawaabta Bini’aadantinimo ee Soomaaliya ee 2025 la maalgeliyay kaliya 26 boqolkiiba dhammaadka Diseembar, taas oo ku qasabtay hay’adaha gargaarka inay yareeyaan taageerada ay bixinayaan inkastoo baahiyuhu si degdeg ah u sii kordhayaan.


















