| Somali
SIYAASADDA
1 daqiiqo akhris
Guddoomiyeyaasha Baarlamaannada Soomaaliya iyo Tanzania oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Iskaashiga
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BFS, Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa magaalada Arusha kula kulmay Guddoomiyaha Baarlamaanka Tanzania, Mussa Azzam Zungu, iyagoo ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada baarlamaan
Guddoomiyeyaasha Baarlamaannada Soomaaliya iyo Tanzania oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Iskaashiga
Guddoomiyeyaasha Baarlamaannada Soomaaliya iyo Tanzania oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Iskaashiga / SONNA

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa magaalada Arusha ee Tanzania kulan kula yeeshay Guddoomiyaha Baarlamaanka Tanzania, Mussa Azzam Zungu, halkaas oo ay kaga wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada baarlamaan.

Kulanka ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray xoojinta xiriirka baarlamaannada labada dal, is-weydaarsiga khibradaha iyo waayo-aragnimada dhinaca sharci-dejinta, iyo sidii loo sii horumarin lahaa iskaashiga Soomaaliya iyo Tanzania ee arrimaha danta wadaagga ah.

Labada Guddoomiye ayaa sidoo kale ka wada hadlay muhiimadda ay leedahay xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee Soomaaliya iyo Tanzania, horumarinta iskaashiga diblomaasiyadeed iyo taageeridda dadaallada lagu xoojinayo nabadda, xasilloonida iyo isdhexgalka dalalka gobolka Bariga Afrika.

Kulanka waxaa sidoo kale ka qaybgalay xubno ka tirsan wafdiga uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Tanzania, iyadoo labada dhinac ay carrabka ku adkeeyeen muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo xiriirka iyo iskaashiga labada dal, gaar ahaan dhinacyada arrimaha baarlamaanka, diblomaasiyadda iyo horumarinta gobolka.

XIGASHO:SONNA