Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa xafiiskiisa magaalada Muqdisho ku qaabilay wafdi ka socday shirkadda SONATRACH ee dalka Aljeeriya, oo ah shirkad tamareed ku takhasustay soo saarista shidaalka iyo gaaska dabiiciga ah.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray iskaashiga u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo shirkadda SONATRACH, gaar ahaan fulinta mashaariic wadajir ah oo ku saabsan qeybta shidaalka iyo horumarinta kheyraadka dabiiciga ah.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo dhaweeyay wafdiga, isagoo mar kale xaqiijiyay sida ay Dowladda Federaalka Soomaaliya uga go’an tahay horumarinta iyo ka faa’iideysiga kheyraadka dabiiciga ah ee dalka, si ay uga qeyb qaataan kobaca dhaqaalaha iyo horumarka qaranka.















