Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulankoodii toddobaadlaha ahaa kaga hadlay waxa ay ku tilmaameen faragelinta dowladda Isu-tagga Imaaraatka Carabta ee qaranimada, madax-bannaanida iyo amniga Soomaaliya, iyagoo soo saaray go’aanno la xiriira xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal.
Shirka oo uu guddoominayay Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa lagu dhageystay warbixin ay soo bandhigtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, taas oo ku saabsan xaaladda xiriirka labada dal iyo eedeymaha faragelinta ee loo jeediyay Imaaraatka. Golaha ayaa go’aamiyay in Safiirka Soomaaliya u fadhiya Imaaraatka loogu yeero wadatashi, halka Safiirka Imaaraatka ee Soomaaliya lagu wargeliyo inuu dalka kaga baxo muddo 72 saacadood gudahood ah.
Sidoo kale, Golaha Wasiirrada ayaa warbixinno ka dhageystay Wasaaradaha Amniga Gudaha, Gaashaandhigga iyo Warfaafinta, kuwaas oo ku saabsanaa xaaladda amniga dalka, hawlgallada ciidamada iyo arrimaha bulshada. Waxaa sidoo kale kulanka lagu soo bandhigay xaaladda waxbarashada farsamada gacanta iyo tababarrada xirfadeed, iyadoo si gaar ah looga hadlay machad farsamo oo ay wax ku bartaan 670 arday.
Intii uu shirku socday, Golaha ayaa maamuusay Xasan Maxamed Guutaale, oo tan iyo sannadkii 1991-kii ilaalinayay dhismaha machadka farsamada ee loo yaqaan Xero Jarmal. Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa ku ammaanay dadaalkiisa waddaninimo iyo kaalinta uu ka qaatay badbaadinta xaruntaas waxbarasho.
Ugu dambayn, Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ayaa Golaha u soo bandhigtay warbixin ku saabsan hirgelinta nidaamka waxbarashada dadka maqalka naafada ka ah, iyadoo la soo bandhigay muuqaal sharxaya adeegsiga luqadda calaamadaha. Ra’iisul Wasaaraha ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in dadka baahiyaha gaarka ah qaba loo xaqiijiyo xuquuqdooda waxbarasho iyo daryeel.















