Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kormeeray Taliska Qaybta 1-aad ee Ciidanka Gaarka ah ee Gorgor ee magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha ayaa ciidamada ku bogaadiyay doorkooda dagaalka lagula jiro argagixisada caalamiga ah, isagoo faray inay mar walba diyaar u ahaadaan gudashada waajibaadkooda dastuuriga ah si loo xaqiijiyo Soomaaliya ka madax-bannaan khatarta argagixisada.
Madaxweynaha waxaa kormeerka ku wehliyay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, iyo Wasiiru-dawlaha Gaashaandhigga, Cumar Cali Cabdi.
XIGASHO:SONNA























