| Somali
CAALAMKA
1 daqiiqo akhris
Wasiirka Beeraha oo Qaabilay Safiirka Algeria, Kana Wada Hadlay Xoojinta Xiriirka Labada Dal
Wasiirka Beeraha ayaa Isniintii xarunta Wasaaradda ku qaabilay Safiirka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Shacabka Algeria u fadhiya Soomaaliya, iyagoo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga dhinacyada beeraha, waraabka iyo sugnaanta cuntada.
Wasiirka Beeraha oo Qaabilay Safiirka Algeria, Kana Wada Hadlay Xoojinta Xiriirka Labada Dal
Wasiirka Beeraha oo Qaabilay Safiirka Algeria, Kana Wada Hadlay Xoojinta Xiriirka Labada Dal

Wasiirka Beeraha iyo Waraabka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), ayaa Isniintii xarunta Wasaaradda ku qaabilay Safiirka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Shacabka Algeria u fadhiya Soomaaliya.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga Soomaaliya iyo Algeria ee dhinacyada beeraha, waraabka iyo sugnaanta cuntada, iyadoo laga duulayo xiriirka soo jireenka ah ee labada dal.

Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadlay horumarinta nidaamyada waraabka, maareynta kheyraadka biyaha, cilmi-baarista beeraha, tiknoolajiyadda iyo dhiirrigelinta maalgashiga beeraha.

Wasiirka ayaa dawladda Algeria uga mahadceliyay taageerada iyo xiriirka saaxiibtinimo ee ay la leedahay Soomaaliya, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo iskaashiga labada dal.

XIGASHO:SONNA