Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Maxamed Amiin Sheekh Cusmaan, ayaa maanta magaalada Riyadh kula kulmay Xoghayaha Guud ee Golaha Iskaashiga Khaliijka (GCC), Jassim Maxamed Albudaiwi.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka laba geesoodka ah iyo kor u qaadidda iskaashiga u dhexeeya Golaha Iskaashiga Khaliijka iyo Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
SHEEKOOYIN KALE
Intii ay socdeen wada-hadallada, Xoghayaha Guud ee GCC ayaa dib u xaqiijiyay taageerada ay dalalka Khaliijku u hayaan Soomaaliya, isagoo carrabka ku adkeeyay sida ay uga go’an tahay taageeridda dadaallada lagu xoojinayo amniga, midnimada, xasilloonida, iyo madaxbannaanida dalka Soomaaliya.
XIGASHO:SONNA

























